Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Darmaan123 on June 13, 2015, 05:59:30 PM

Title: Su'aal: Waan iska matagayaa bilaa yalaalugo
Post by: Darmaan123 on June 13, 2015, 05:59:30 PM
Marka hore waxaan salaamayaa walaalahayga igu qaaliga ah ee diktoorada ah.

bacda salaam suaashan iiga jawaab fadlan

Cuntada markaan cuno waan iskasoo matagayaa xitaa aniga oo aan yalaalugoba dareemin ayuu matag i qabanayaa.
Maxay noqon kartaa diktoor?.

meel i xanuunaysaana ma jirto, hadda waxaan arrintaa dareemayay dhowr asbuuc.

marka aan cuntada aad u yareeyo waxba ma dareemayo, mana jirto cunto dheeraad ah oo aan beryahan isku soo siyaadiyay laakiin wixii aan hore u cuni jiray uun baan cunaa
Title: Re: Su'aal: Waan iska matagayaa bilaa yalaalugo
Post by: SomaliDoc on June 17, 2015, 11:30:11 PM
Qasab ma ahan markasta aad matagayso in yalaalugo ama lalabo ku qabato, way dhacdaa marmarka qaar in aad matagto lalabo ama yalaalugo la'aan sida xaaladahaan oo kale:
1- Gaas calooleedka
2- Caabuqa ama bukashada caloosha
3- Caabuq ganaca
4- Cunto ku sumoobid.

Badana matagaas waa inuu la socod astaamo kale si loo dhaho xanuunadaan mid ka mid ah ayaa keenay sida xanuunka, dibbiro, caloosha oo fadhiso ama shuban ama qandho.

Haddii intaasba aysan jirin, way sahlan tahay inuu iska istaago ayaa dhici karo.

Laakiin haddii ay sii socdaan ama aad isku aragtid madax xanuun ama aragtida oo ku cawlan ama wareer waa in sida ugu dhakhsiyaha badan takhtar ula xiriirtid, waxay noqon kartaa cillad madaxa ka socoto sida meningitis-ka ama xanuunnada kale oo siyaadin kara cadaadiska maskaxda.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.