Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xaabsade on July 09, 2015, 03:54:52 AM

Title: Su'aal: Waxaan ahay maqane jooge?
Post by: Xaabsade on July 09, 2015, 03:54:52 AM
asalamu calykum dhaqaatiirta sharafta leh ee u hoolan inee walaalahood dhibaateysan talooyin wax ku ool leh siiyaan ...
Walayaal waxaan ka cabanayaaa dhibaatooyinkaan;    A) dhibaato xaga araga ah "concentration"; ma fiirin karo sheey ama meel wax ka badan 20sec, waayo hal marbaa aragii dhan iga lumayaaa oo waan cawirmayaaa. Waxaana isticmaalaa ookiyaal ama muraayad.
B) Dhibaato xaga dhageysiga ah ama lasocodka hadalka, waxaan dhibaato ku qabaa inaan lasocdo sheekada ama hadalka la ii sheegayo, waayo hal marbaaa waxaan dareemayaa inee iga tageeso korontada oo aan noqonayo maqane jooge, dabeed waxaan soo baraarugaaa seconds ama daqiiqad kadib taasna waxee igu keentaaa inta abdan inaan jawaab qaldan bixiyo.. C) Hilmankeega oo aad u badan
D) Daqiiqado ama mararka qaar saacad aan noqdo maqane jooge waliba anigoon ogeyn ama sheegi karin waxa aan qabtay waqtigaaas aan hawada ka maqnaaa. xiliyada aan hool ama jimicsi sameenayo waxaa dahcdo mararka qaar ama inta badan inuu dareemaha iga tago, hooshii waan wadaaa lkn maskaxdii ama miirkeega majoogo oo waan maqanahay, taasina waxee igu keentay inaan shaqooyin badan aan kuwaayay, waayo si qaldan ayaan u qabanaaa iyadoona iga aheyn aqoon daro.... caajis aad u fara abdan iyo daaal aan garaneyn halka uu igaaga yimi, waliba anigoon hool abdan qabanin....
waxaan u sheegay dhaqtar dhibaatooyinkaan waxuuna ii diray dhaqtar xaga nervaha, waxaan maray baaritaanada ah " Eeg Examination" iyo Sleep Eeg Examination" jawaabtana waxoo ku sheegay inee caadi tahay oo wax qaldan oo xaga nervaha eesan jirin.
marka dhaqtar/dhaqtarad maxaa talooyin oo aad isiin laheydeen,,

                                                                                                                  Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay maqane jooge?
Post by: SomaliDoc on July 12, 2015, 02:28:00 PM
Waxaan jeclaan lahaa in aad dhowr su'aalo oo la xiriiro cabashadaada iiga soo jawaabtid:
1- Waa imisa inta aad xanuunsan tahay, da'daaduna waa meeqo sano?
2- Marka xanuunkaan uu billaabanayay warbixin iga sii? Ma xanuun ayaa ka horreeyay? Ma dhibaato xagga nafsaani sida niyad jab ama cillad kale oo ku soo gaartay?
3- Waxbarashadaadii sey ahayd?
4- Ma jiraan wax xanuun kale aad isku ogtahay ama daawo aad qaadatid?
5- Ma jirtaa wax balwad aad leedahay ama aad isticmaashay ama isticmaali jirtay, goormaane joojisay?
6- Ma jirtaa wax jug ama dhaawac maskaxda kaa soo gaaray?
7- Maqnaanshaha ama bixitaanka aad dareemaysid ma wax adiga kaliya aad ogtahay mise qofka kula joogo ama aad la sheekaysanaysid wuu fahmi karaa? Qaabkee ayayna u fahmaan oo ay kuugu sheegaan?

Si aan uga jawaabo su'aashaada fadlan ka soo jawaab su'aalahaas iyo haddii ay jiraan warbixin kale oo iga caawin kara in aad xaaladaada fahmo oo aan su'aalaha kugu weydiinin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay maqane jooge?
Post by: Xaabsade on July 13, 2015, 12:24:51 PM
Asc.. hadii aan isku dayo inaan ka jawaabo suaalaha aad isoo weediisay Dr/Drs
waxaan jiraa 26sano, waxaaan qabay cudurkaaan muddo fog illaa yaraanteedii , inta aan wax gartoba waa jirtay ciladaaan.
may wax xanuun ah oo aan dareemay majiraan waligey, dhaqtarna uma aanan baahanin ilaa sanadkii ugu danbeyay markaasoon iskaaga shakiyay cudurka gaastariiga. waxbarashadeedu aad bey u wanaagsaneyd xaga fahankana iyo xifdinta waxaan ahaa qof aad ugu fiican. waan dhameeyay dugsiga sare waliba daraja wanaagsan ayaan ka helay imtixaanadkii ugu danbeeyay. kaliyay cudurka baawasiirka oo aan isku arkay  sanadkii ugu danbeeyay. wax balwad ah malihi. inta aan wax garto ma jiraaan jug sidaaas u weyn oo iga soo gaatay waloow ee jiraan inaan marar kala duwaan madaxa dhulka ku dhufsaday. dadka hareeraheyga joogo aad ayey u dareemaaan waliba waa iga xanaaqaan qaarkood waqtiyada qaar waayo waxee u heestaaan inaaan quursanayo oo aan hadalkooda rabin ama wax la waadaaagidooda inaanan jecleyn.
qaar waxee layaabaan sida aan u fiirinayo oo igu dhahaan waad naga xishoodsiisay maxaa naga qaldan? lkn xaqiiqdii xiligaas indhaheega kaliyaa qofkaas ku maqan mooyee maskaxdeyda meel kale ayey jirtaaa, o xitaa waxaa macquul ah inaan suureyn karin qofkaaas hadii lee weediiyo sida uu u egyahay.
                                 
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay maqane jooge?
Post by: SomaliDoc on July 13, 2015, 05:36:29 PM
(http://somalidoc.com/Topics/maahsanaan.png)

Astaamaha qaabka aad u tilmaantay waxay u egtahay nooc ka mid ah qalalka oo la dhaho: qalalka maqnaanshaha "Absense seizure" ama qalalka fudud.
Waxa ugu muhiimsan ee lagu garto noocaan ayaa ah in qofka uu ilbiriqsiyo uu hawada ka baxo, isagoo aanan samaynin wax lagu fahmi karo sida jarayn ama cod ama wax kalaba, qofka kaliya ee fahmi karo waa qofka ay wada sheekaysanayaan ama wax ka dhagaysanayo.

Qofka markuu xanuunkaan qabto, meesha uu fiirinaayay ayuu ku dhangagaa, qofka uu horfadhiyay wuxuu u malaynayaa inuu isaga ku maqan yahay ama uu fakaraayo, haddii ilbiriqsiyadaas lala hadlo ma jawaabo.

Maqnaanshaha ayaa labo nuuc ah, nooc waa midka aad tilmaantay oo qofka uu maqnaanayo kaliya isagoo aanan waxna samaynin.
Nooca labaad qofka wuu maqnaanayaa, laakiin indhaha wuu ka biligbilig siin karaa, murqaha daamankane wuu dhaqaajin karaa sidii qof wax ruugaayo oo kale, faruuryaha uu muudmuudsado.
Nooca labaad wuu ka dheeryahay nooca hore oo wuxuu socon karaa illaa 20 ilbiriqsi.

Qalalkaan maqnaanshaha way dhib badan tahay inuu qofka fahmo, waalidka hadduu yahay qof aad ugu kuur gala ilmahiisa wuu fahmi karaa, macallimiinta xanuunkaan wax ka taqaano way fahmi karaan markay ilmaha fasalka ku jiraan.

Xanuunkaan wuxuu ku badan yahay caruurta wuuna ka istaagaa markii da'da 18 gaaraan, laakiin qaar ayuu ku haraa oo ku waynaada.

Markii qofka uu ka soo laabto maqnaanshihii, howshii uu hayay ayuu horay u sii wataa sidii qof caadi ah oo kale.

Way ku kala duwan yihiin dadka inta jeer ay xaaladaas gali karaan maalintii, inta ugu badan oo ay dhici karto xaaladaan waxaa lagu qiyaasaa 100 jeer maalintii.

Baaritaanka lagu ogaan karo xanuunkaan waa qalabka lagugu sameeyay ee EEG, inkastoo ay qasab tahay marka lagu saarayo in aad ku jirtid xaalada maqnaanshaha si loo ogaado in qalalkii maqnaanshaha uu yahay ama uu ka duwan yahay, laakiin haddii lagu saaro adigoo caadi ah waxba laguma arko.
Sidaa darteed waxay takhaatiirta isku dayaan in ay kiciyaan xaaladaada maqnaanshaha, waxyaabaha lagu kiciyo waxaa ka mid ah in takhtarka kugu amro in aad aad si dhakhso ah u dheefsatid, waxaa laga yaabaa in aad xaaladii maqnaanshaha gashid.

Qalalkaan dhibkisa badan waxuu la xiriiraa la dhaqmidda bulshada, sida aad tilmaantay, macallimiinta way kaa sheegan karaa, asxaabtaada sidoo kale, dadka ku waraysanayo, shaqadaada iyo noloshaada guud.
Waa laga yaabaa in uu qofka kuu arko in aad yasaysid ama aad ku maqan tahay ama uu kuu arko qof aan dabiici ahayn.

Xanuunkaan waxaa loo daaweeyaa sida qalalka oo kale, waana nooca ugu fudud ee la daaweyn karo, waxaa loo qaataa daawo qalal, badanaane qofka wuu ka tagi karaa hadduu in muddo ah daawo qaato.

Sidaas awgeed waxaan kugula talin lahaa in aad takhtar neurologist ah la kaashatid weliba ku sii takhasusay cudurrada qalalka.

haddii aad su'aal qabtid ama faahfaahin u baahan tahay waad na soo waydiin kartaa.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunka Qalalka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2246.0.html)

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)