Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dr Ilbir on July 16, 2015, 05:09:27 PM
-
dhakhaatiirta sharafta leh ee aqoontoodu barakaysan tahay ee uga faaiidayna walaaladood waxaan waydiin lahaa mudo sadex sano ah waxaa i haya suuxdimo ah kaas oo aanan dareemayn xiliga uu isoo hayo waxaan utagey laba dhakhtar midkii hore wuxuu waraysi kadib wuxuu iidirey EEG And x ray kii labaad waraysi kadib MRI scan jawaabtiina waxay noqotey your head normal maxaan yeelaa
-
dr ilbir waxaan jeclaan lahaa in aad warbixin dheeraad ah iga siisid suuxdinta aad dareemayso nooca ay tahay adigoo iiga sheekeeya qaabka ay ku billaabato sida laguu qabto iyo hadduu miirka kaa tago iyo inta aad suuxdinta ku jirtid iyo xaaladda aad ku sugan tahay marka aad ka soo kacdo iyo dadka ku agjooga qaabka ay kuugu sifeeyaan suuxdinta ama waxa aad samaynaysid xilliga suuxdinta maadaama adiga aanan ka war qabin.
Waxaan kaloo rabaa in aad ii sheegtid haddii ay jirto cillad hadda ka hor madaxa kaa gaartay ama hadduu kugu dhacay xanuun infekshan madaxa sida qoor-gooyaha "meningitis" oo kale.
Hadduu aad daawo isticmaali jirtay, haddii aad balwad leedahay iyo marka ugu horreeyay oo aad isku aragtay waxa aad samaynaysay iyo inta jeer uu ku qabto usbuucii ama maalintii iyo haddii aad daawo u qaadatay muddadaa xanuunsanayd.
Waxaa kaloo muhiim ah haddii ay jiraan waxa qalal qof kale oo qoyska ka tirsan uu qabo ama haddii aad xanuuno kale isku ogtahay noocey rabaan ha ahaadaan in aad nala wadaagto.
Fadlay waribintaas oo idil waxay iga caawinaysaa talooyinka aan ku siin doono nooca ay noqon doonaan.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.