Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samar Ali on July 17, 2015, 01:53:15 AM
-
Asc eid mubarik su aashaydu waxa ay tahay maxaa sababa in lafuhu is xoqaan siiba kuwa daanka o marka la habaansando inta ay isxoqaan sanqadh sameeyaan meesha ay isaga yimaadan ee ah dhagta horteeda waana hal dhinac
-
Meesha aad cillada ka sheeganayo waa kalagoyska u dhaxeeya daanka iyo lafta madaxa ee daanka ka sarreysa waxaana loo yaqaanaa "Temporo-Mendibular Joint" cillad ma ahan in ay is xoqayso ee waa in labada laf ayaanan isku aadaynin markaa afka la xeraayo , sidaas ayayna shanqar ku samaysaa, waxyaabo badan ayaa keeni karo in cillad ka timaado halkaas, waxay ka dhalan kartaa cillad gows dambeedka ka socoto, cillad jug hadda ka hor kaa gaartay ama cillad in mid ka mid ah labada lafood ee kalagoyska sameeyo in ay cillad ka jirto.
Waxaad u baahan tahay in aad la xiriirto dhakhtar ku taqasusay ilkaha oo heesto raajo lagu ogaan karo cilladahaas.
Waxaa dhici karto haddii ay shanqartaas sii socoto in ay labada lafood ay isdhaafaan oo daanka xermi waayo ama furmi waayo intaba.