Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Avv.Abdullahi on July 19, 2015, 07:40:30 PM
-
Dhaqtar dhiwatada i haysato ayaa ah
banooni marka aanla dheelayo asxabtayda daqiqado kudohooda horay ayaan ka daala waliba waxaa si daran ii xanuuna feeraha qeebta midigta xitaa feraha ma dhihi karo qeebtaas dhan ilaaa dhawarka ku aadan ayaaa aad ii xanuuno wadnahana aad ayuu ii garacmaa in aan horay ka nasto ayee noqoneee waan fadhiisata xanunkas iyo daalkas lawa bari waan iska dareema asxbtaydana malahan wax saas o kale
dhabar xanuuna waa uu ku jira lkn tan feraha hoostiisa ayaa igu daran
Iyo mararka qaaar waxaa dareema cuncun aad u daran oo jawiga iga dhuminaayo kaas oo sawabo mar aan socod ku daalo ama aan cabsado qof iga nixiyo cuncunkaas oo ilaa madaxa gacmaha iyo qoorta ayaan sifcn ugaga dareema daqiqado kadibna waa uu idayaa mararka qaarna waxa jiro oo igu soo noq noqdo isla daqiqado gudohood wax bararna ma iga soo maxaan ma finan
-
Arrinta ku saabsan feero xanuunka wax badan oo kala duwan ayay noqon kartaa, waxaa habboon in aad dhakhtar la xiriirtid, link-gaan hoose waxaad ka akhrisan kartaa xanuunada feero xanuunka keeno iyo sida lagu kala fahmo intaba: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,649.0.html)
Midda kale ee ku saabsan cuncunka ka dhasho dhididka waa arrin la yaqaano ee ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2298.0.html)
Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay waad na soo waydiin kartaa.