Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ceeblaawe on July 20, 2015, 02:57:07 PM

Title: Su'aal: Kabuubyo sanad iyo bar ah?
Post by: Ceeblaawe on July 20, 2015, 02:57:07 PM
Asc,

Salaan kadib waad mahadsantihiin Somalidoc.com shaqo wanaagsan ayaan u heysaan bulshadiina, Ajar iyo xasanaad aan lasoo koobi karin allah idiinka siiyo.
 
Su'asheyda waxa waaye sidan:.

Muda laga joogo sanad iyo bar waxaa i haya kabuubyo, kabuubyadaas waxey igu bilaabatay sanadka markuu ahaa 2013/10/10 si tartiit tartiib ah,
marka hore waxey iga bilaabatay madaxa geeska bidix kadib geeska midig ugu danbeen dhamaan madaxeyga wuu kabuubyoodaa markaan hurdo habeenkii, waxey kusii bahday jirkeyga oo idil hadaan jiifo iyo hadaan soo jeedo, Kabuubyadaan ma'ahan mida caadiga ah oo gacmaha iyo lugaha gasha ee waa mid cudur ah oo hadan soo jeedo fadhiyo jiifo jirkeyga gasha, astamaha aan ku dareemo waxaa kamid ah xubinta ay heyso oo dareenka ka taga, waxaan tagay galkacyo October 2014 Doctor maxmed jamac Neerfaha daawo ayuu isiiyay dhibkii hore wuu iga khafiifay lkn wali kabuubyada wey i heysaa maalinba maalinta kadanbeysa wey igu sii baaheysaa.


Hadaba Doctor maxaa daawo ah oo aan isticmaali karaa?
Xanuunka i haya muxuu yahay?
Fadlan daawo ii soo qora aniga ayaa raadsanayee!
Wixii warbixin gaar ah ama daawo ah waxaad iigu soo diri kartiin cinwaankan  ceeblaawe30@gmail.com

Mahadsanidiin
Title: Dhameystirid su'aal aan soo diray
Post by: Ceeblaawe on July 20, 2015, 03:13:36 PM
Asc,
iga raali noqda su'al aan soo diray ayaan ka ilaaway,
Kabuubyada waxey si daran ii qabataa xiliyada qabowga uu jiro ama hadaan isticmaal AC ama qaboojiyaha xafiisyada.

tani waxey daba taagan tahay su'aasheyda hore ee kusaabsaneed kabuubyada i heyso.

Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Kabuubyo sanad iyo bar ah?
Post by: SomaliDoc on July 22, 2015, 03:07:47 PM
Marka hore waa in la ogaado waxa kuu keenay kabuubyada, kadib ayaa la sheegi karaa daawada wax kaa tari karta, waxaa dhici karta in kabuubyadaada ay qalliin u baahato xittaa haddii ay ka dhalatay cadaadas neerfa saaran dhinaca luqunta ama lafdhabarta.

Ma jirtaa in lafdhabarta ma luqunta lagaa saaray CT ama MRI scan, maxaa yeelay kabuubyada ka bilaabato qoorta oo jirka ku faafto waxay imaataa cadaadis ama dhaawac fuurlo neerfaha quudiya xubinta kabuubyeysan.

Waxay kaloo kabuubyada ku imaan kartaa dhibaatooyin kale oo badan sida vitamin B12 oo jirkaaga ku yar, haddii aad ku sumowday maadada rasaasta, haddii xanuun kabuubyo dhaxal uu jiro, waxaad u baahan tahay waraysi iyo baaritaan, kadib ayaa la ogaan karaa xanuunkaaga kadibne xal loo raadin karaa.

Si aad fikrad uga qaadatid neerfe waxa uu yahay iyo sida uu dhaawaca u gaaro akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html)