Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Leyliina on July 20, 2015, 10:45:37 PM
-
Wan idin salaamay bahda somali doctors. Salan ka dib wxa rabaa in laygaga jawaabo su'ashyda o ah siden isaga badali kara cunto xumida ihayso????
Hadi an qaato dawo sida syrup or tablets aya wxn dareema gajo sidas ayn cuntada ku qataa hadi mudo ka dib iska jojiyo sideydi ban kuso laabta.
Marka arinkaas aya ihaysto wxn donaya inad igu cawidaaan.
Mahadsanidiin.
-
Cunno xumida waxyaabo badan ayaa keeni karo, haddii aad xanuusan tahay cunno xumi way kugu dhici kartaa oo waa muhiim in xanuunkaa lagaa daaweeyo.
Haddii ay nafaqo darri ku hayso oo aad gooryaano leedahay cunnada kula qaybsada waa in daawo aad ka qaadatid si uu jirkaaga uga faa'idaysto cunnada aad cunaysid
Hadii cillad dheefshiid ku haysato oo jirkaaga cunanda uusan shiidi karin ama nuugi karin waa in iyadane lagu siiyo daawooyin kaa caawin kara arrintaan.
Haddii ay jiraan daawooyin aad qaadatid oo saamayn kara rabitaankaaga cuntada iyadane waa ina lagaala taliyaa.
In sharoobo fitamiin ama daawo kalaba aad qaadatid mar kasta xal uma noqoto cunno xumida ee ka ma maarmaysid in aad dhakhtar la xiriirtid si baaritaan guud laguu marsiiyo.
Waxaan filayaa in aad fahantay jawaabtayda.