Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zuleyhanad on July 22, 2015, 07:16:32 PM

Title: Su'aal: Finan cun cun leh xilliga cadceeda?
Post by: Zuleyhanad on July 22, 2015, 07:16:32 PM
asc dhamaan bahda wabsitka waan salaamay iyo Dr kaba waxan qabaa su.aal ah markaan cadceeda lugeeyo jidhka oo dhan waxa iga soo baxa finan yar yaro biyo leh kadibna way i cun cunaan bal walalayaal arinkaasi muxuu noqonayaa
Title: Re: Su'aal: Finan yar yar oo cun cun leh?
Post by: SomaliDoc on July 25, 2015, 11:46:07 AM
Calaamadaha aad tilmaantay waxay u muuqataa in aad xasaasiyad ku qabtid qoraxda ama cadceeda waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Photosensitivity", waxay calaamad u noqon kartaa xanuunno dhowr ah waxayna ka timaadaa in difaaca jirkaaga uu lid ku yahay qoraxda.

Meelaha ugu badan ee ka soo baxaan finanka aad tilmaantay waa qoorta, gacmaha dhabarkooda iyo lugaha, waana meelaha badanaa uu jirka uu ka banaan yahay, haddii aad madaxa daboolatid waxaad ku arkaysaa gacmaha iyo lugaha, marmarka qaar wajiga laakiin ma badno.

Waa muhiim haddii aad isku aragtid cilladaan in ay soo laalaabato in aad takhtar la xiriirtid maqaarka ku taqasusay si loo ogaado xanuunka keenay in aad xasaasiyad u yeelatid qoraxda.

Xanuunada qaar ma ahan wax dhib leh oo waa la xallin karaa inkastoo ay jiraan xanuunno kale oo aan jirka kaliya ku ekaan dhibkooda oo loo baahan yahay in lagaa baaro si meesha looga saaro sida xanuunka loo soo gaabiyo SLE, waa xanuun ka yimaada cillad isdifaacis jirka ah, wuxuuna saameeyaa jirka oo idil, wuxuuna u badan yahay haweenka.

Sidaa awgeed waa muhiim in aad takhtar maqaarka la xiriirtid.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.