Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Emmy.anin on July 23, 2015, 01:07:43 PM

Title: Su'aal: 8 bil jir hargab ku soo noqnoqday?
Post by: Emmy.anin on July 23, 2015, 01:07:43 PM
waxaa i jooga wiil, hada waxaa uu jiro 8bil, Hoyadisa way shaqeysa subixi wuxuu caba caanaha caruurta iyo solid food habenkina wuxu caba naska hooyadisa. Xaqiiqatan wu ka yar yahay miizaankisa, waxaan ku arkey hargab aan dhamaad laheyn, waxaan la xariirey dhaqtar caruur maka ay uu zaa'id ku aha wuxu iso qorey qalajiye, maamlo kadib sidisa ayuu kusoo labtay hargab qufac iyo sankisa wuu qoyan yahay, dhaqtarki mar labaad ayaan u tagey wuxuu igu dhahay ka jooji daawada si uu jirkisa iskaaga difaaco jermiska cudurka. waxaan ahey Aabe xaqiiqatan uma dulqaadan karo marka uu qufacayo waan ka damqanaya. Fadlan haleyla taliyo oo haley sheego talaabdan qaadi laha waan jahwareray?

Title: Re: Su'aal: 8 bil jir hargab ku soo noqnoqday?
Post by: SomaliDoc on July 25, 2015, 11:29:56 AM
Marka hore cunugga u geey takhtar caruur si loo ogaado nafaqadiisa iyo difaaca jirkiisa intaba.
Midda xigta waan ka xumahay hooyooyinka aanan nuujin caruurtooda iyagoo caafimaad qaba, hooyo kasta haddii ay ogaan lahayd faa'idada cunugeega ugu jirto in ay nuujiso xaga korriinka jirka iyo maskaxda iyo difaaciisa guud iyo xittaa xaga garashadiisa caano kale ma siin lahayn, fadlan halkaan ka akhriso faa'idooyinka naas nuujinta aan la soo koobi karin: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,382.0.html)

Midda xigta, hadduu cunugga qabo allerji ama neef ama sanka hilib ku leeyahay uu cabburmo ama afka ka neersado oo quuman ku soo laalaabtaan ama aan jawiga iyo cimillada aan laga daboolin intaba way keeni kartaa burunkiito in ay ku soo laalaabato.
Haddii difaaca uu hooseeyo oo cunno ku filan uusan helin iyadane way keentaa in ay ku soo laalaabato infekshanka.

Si loo ogaado waxa keenay waxaa habboon in la ogaado cilalda waxa ay tahay si looga hortago.