Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamed Abbes Isse on July 25, 2015, 12:20:54 PM
-
dr waxan qabaa su,aal markaan xanaaqo waxaan isku arkaa madax xanuun iyo qandho jirkoo dhan ah hadalkuna markaas waxa uu iiga soo baxaa si dirqi ah igamana ba,do qandhadaasi ilaa aan seexdo xataa wax yar baan ka xanaqayaa awalna ma lahayn waa waxan hada isku arkay marka arintaasi maxay tahay waana mahadsan tihiin cuntona cunimayo inta aan xanaqa dareemayo marna marka ka danbaysa waa igu sii siyaadayaa
mid kale oo aan qabo waxay tahay kiniinka baktirim fortiga ah waxaan ku qabaa elergy ama inuu jirka aan ku yeesho goobo la moodo jir gubtay taasi maxay tahy dr
-
Madax xanuunka ka dhasho xanaaqa waxaa loo yaqaanaa "Tension headache", waana madax xanuunka ugu caansan madax xanuunada, halkaan ka akhriso waxa uu kaga duwan yahay madax xanuunada kale: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)
Daawada Baktrim ama Septrin waa daawo dadka qaar ay allerji ku qabaan, waa muhiim in ad ka fogaatid haddii aad ku xajiimootay daawadaas, lana socodsiisaa takhaatiirta iyo farmashiyiistaha, maxaa yeelay haddii adigoo horay ugu xajiimootay daawadaan aad qaadatid mar kale waxay kuu keeni kartaa dhib aad u badan.