Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Samar Ali on August 08, 2015, 12:49:01 PM
-
Asc su aashaydu waxay tahay maxaa keena xubinta taranka oo had iyo goor qoyan ,qoyaankaas aan lahayn wax ur iyo cuncun aan lahayn waxaana ahy gabar mahadsanidin.
-
Farjiga wuxuu yeelan karaa qoyaan dabiici ah oo eebe ugu tala galay inuu nadiifiyo kana hortago jeermiska noocyadooda kala duwan.
Qoyaanka dabiiciga ah wuxuu kaga duwan yahay qoyaanka xanuunka uu keeno in uu ur leeyahay, cunucn ama dhabar xanuun uu leeyahay iyo inuu midab yeesho.
Qoyaanka farjiga dabiiciga ah ma lahan ur daran, midabkane wuxuu u egyhay biyo caadi ah ama caano la khafiifiyay oo kale.
Waxyaabaha badin karo qoyaanka dabiiciga waxaa ka mid ah, xilliga ugxanta la soo daynayo, xilliga naasnuujinta, xilliga kacsiga iyo xilliga uurka inkastoo xilliga uurka uu leeyahay ur gooni ah oo lagu fahmo uurka.
Haddii midabka, urka iyo nooca qoyaanka intaba aan sida kor aan ku soo tilmaamay uu yahay wax laga walwalo ma ahan, laakiin haddii aad ku aragto wax ka badalan intaa oo la socdaan cuncun, hur, dhabar xanuun, obuc xanuun, waa calaamad infekshan ee dhakhtar la xiriir.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Infekshanka haweenka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5709.0.html)