Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wilsan on August 08, 2015, 05:23:37 PM

Title: Su'aal: Cuudurada maskaxda ku dhaca?
Post by: Wilsan on August 08, 2015, 05:23:37 PM
dhakhtar,waxa jira wiil walalkey ah, 2012 ayu gaaley shiil gaadi ,maskaxda ayey wax kaso gadey oo dhiiq aya kufurtay, 2013 hal sanu kadib waxa uu firsad uu helay qalitan .lakiin qalitanka kadib,waxa kalumey
1- hasuusti (sida ino hilmamo maga hooyadi iyo kan abihiba),dh
2- dhaq dhaqaqa oo kuyaradey (sido soocodka,faraha dhaq dhaqa jinta,loogo fidiska ...),marka loqo qasbo,uu oyaya
 dhaktar taladada ayan ubahanahey.mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Cuudurada maskaxda ku dhaca?
Post by: SomaliDoc on August 08, 2015, 11:46:31 PM
Wax walba qadar alle ayay ku dhacaan laakiin haddii maskaxda dhiig ku furmo, wax ka qabashadeeda waxay ku fiican tahay waqtiyada ugu horreeya inta maskaxda aysan dhaawac joogto ah yeelan.

Haddii ay suura gali wayso in la qalo qofka oo sidaas muddo ahaado, waxaa dhici karto in qofka uu la qabsado xanuunka waa haddii dhiigbaxa maskaxda uusan ahayn mid aad u badan oo qofka curyaamin karo, laakiin haddii ay tahay mid qofka maskaxdiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa aanan saamayn lama qalo oo waxaa laga cabsadaa in dhib hor leh ay timaado markii la qalo.

Sidaas darteed waxaan jeclaan lahaa in aad noo sheegto: siduu ahaa inta aan la qalin ka hor? sababta loo qalay sanad kadib maxay ahayd? Dhakhtarka qalayne muxuu idiin sheegay oo sabab uga dhigay?

Haddii aan intaa ka gudbo, dhibka hadda jiro ee ah xasuus la'aanta iyo dhaqdhaqaaq la'aanta ma waxay ka timid, cadaadiskii maskaxda fuulay oo dhiigii ku jiray oo si kadis ah looga saaray? Ma dhibaato qalliinka uu gaarsiisay oo dhaawac cusub? Ma dhiiggii oo xinjiroobay ayaa isu badalay dhiig bax cusub? su'aalahaas iyo ka badan ayaa loo baahan yahay in la ogaado si loo saadaaliyo rajada inta ay la egtahay, midda kale dhakhaatiirtii qashay maxay ku taliyeen ama ay ku tilmaameen arintaan?

Caafimaad baan u rajaynayaa walaalkaa...

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan dhaawacyada maskaxda gaaro, noocyada dhiiga maskaxda galo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2433.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2433.0.html)