Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Almis on August 11, 2015, 06:26:02 PM

Title: Su'aal: Telephone ku hadalka badan iyo caafimaadka?
Post by: Almis on August 11, 2015, 06:26:02 PM
asc dhamaan baxda somali medical forums iyo dhamaan dadka ku dhixaan baa waxane raba ine aniga iyo dadka ama bulshada somaliyeed taalo sharaxane naga siisane dhibta uu keeni kaarayo phone ka oo ine badane la isticamalo ama lagu hadlo taasi oo hada dhalliyarada somaliyeed aye ku badane yihine ku hadalka phne mudo badane ama waqti dheer oo dhwr sacadod gadhaaysa marka dictor su aash ah
1/ telephne ku hadale badane  samayne ma ku yeelan karaya cafimadka qofka isticmalaya .
2/ hadi haa jaawabti haa tahay samayne inte leg aya ku yelanaysa cafimadkisa
3/ maxad taalo uu uu haysane ummada somaliyeed gaar ahane dhalliyarada  aya ade ugu badane tahay
Title: Re: Su'aal: Telephone ku hadalka badan iyo caafimaadka?
Post by: SomaliDoc on August 12, 2015, 02:28:12 PM
(http://somalidoc.com/Topics/mobile.png)

Waa su'aalo muhiim ah oo ka dhalanayso cabsida laga qabo isticmaalka joogtada ee moobeelada, haddii ay caafimaadka dhibaato u keeni karaan iyo dhibaatooyinkaas nooca ay noqon karaan.

Way jiraan qoraallo badan oo laga diyaariyay arintaan iyadoo lagu diraasaynayo xiriirka ka dhaxeeyo kansarka, xanuuno kale hadii ay jiraan iyo saameenta dhambaalada bir-qabadka leh ee taleefanda.

Waxay baaritaanada xooga ay wada saareen xanuunka kansarka maadaam taleefanka uu bixinayo signals joogto oo laga cabsaday amay saameyn ku yeelan karaan qaabka jirkeena u shaqeeyo.

Inkastoo signals' ka soo baxo taleefanada wireless-ka ku shaqeeyo la qiyaasayo in ay dhici karto in ay keenaan laba nooc oo kansar maskaxda galo oo la kala dhaho "Glioma iyo Acoustic Neuroma" laakiin illaa iyo hadda wax cilmibaaris lagu ogaaday ama hubaal loo hayo in moobeelada kansar laga qaado lama hayo, waana go'aanka ay hay'dda caafimaadka aduunka "WHO" ay ka gaartay gunaanadka baaritaanadaas oo idil.

Waxaa kaloo la baaray in mobeelada uu saameyn ku leeyahay shaqada wadnaha, hooyada uurka leh, dhinaca raganimada, hurdada iyo isbadalka niyada iyo fakarka qofka, iyadane baaritaano arintaas wax ku ool ah oo wax lagu dhisi karo lama hayo inkastoo ay socdaan baaritaano dhowr ah oo laga war sugayo wixii ka soo bixi doono arintaas.

Waxa kaliya oo la arkay oo dhibaato keeni karaan moobeelada waa in ay saameeyaan shaqada qalabyada kale ee ku shaqeeyo signals-ka sida qalabka wadnaha la galiyo, qalabka maqalka loo adeegsado ee maqalka iyo wixii la mid ah.

Isbadallada kale oo la arkay inay dhambaallada ka baxo qalabyada sida mobeelka ay keeni karaan waxaa ka mid ah siyaadinta garaaca wadnaha, tirakoobka iyo tayada shahwada ragga iyo ugxanta dumarka, madax xanuun, foojignaan yari, kabuubyo iyo kuleel laga dareemo dhinaca aad taleefanka ku adeegsato iyo isbadallo ku dhaco dheecaannada ay soo daayaan qanjirrada qaarkood ee jirka ku jiro.

Ku yareey halista mobeelada tillaabooyinkaan:
Maadaama halista lala xiriirinayo dhamaabaallada ka baxo mobeelka oo bir-qabadka leh, waxaa haboon in la yareeyo xaddigooda lagana fogeeyo jirka meelo ka mid ah, laakiin nasiib xumo meelo dhowr ah oo jirka ka tirsan ayaa moobeellada lagu qaataa sida jeebka shaatiga ee wadanaha ku aadan, faraqa ama gosha oo haweenka ku qaataan iyo jeebka surwaalka ee u dhaw xubnaha taranka, sidaas awgeed waxaa jiro tallaabooyin haboon in la qaato si loo yareeyo halista dahsoon ee naga soo gaari karto moobeelada:

Halkee mobeelka lagu qaataa?!:

Gabagabo:
Inkastoo moobeelada in kansar maskaxda laga qaado aanan weli la xaqiijin, laakiin waxaa laga cabsi qabaa in isticmaalka joogtada ah oo sanooyinka badan in ay dhici karto inuu dhibaato keeno maadaama hadda aanan laga joogin waqti badan xilligii la bilaabay isticmaalka moobeelada siyaadada ah, laakiin cabsida hadda jirta ayaa ah in da' aad u hooseyso lagu bilaabo isticmaalka moobeelada waqtigaan la joogo oo waalidka caruurtiisa u soo iibiyo mobeel ama taleefan markii ay gaaraan da' 10 sano iyo wixii ka sareeya taasina ay keeni karto in sanooyin aad u badan uu qofkaas ku xirnaan doono isticmaalka moobeelkaas iyo in howlihii loo isticmaali jiray moobeelka oo aad u badatay oo aysan ahayn kaliya wicitaanka oo hadda wax kasta loo adeegsado.
Talow jiilkaan cusub dhibaato aan horay loo arag ma lagu arki doonaa markii 20 ama 30 sano ka soo wareegato?!!

Waa su'aal aan hadda laga jawaabi karin, waana cabsi taagan.

Wixii su'aal ku saabsan qoraalkaan ama faahfaahin aad u baahan tahay, ku soo gudib qeybta hoose ama bogga Facebook-ga.
Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)