Sigaarka iyo dhibaatadiisa
waxaan ka hadlayaa dhibaatada caafimaad ee sigaarka marka hore aan is dul taagno cabitaanka sigaarka iyo soomaalida, dadka soomalidu waxay aad u cabaan sigaarka gaar ahaan ragga oo waxa ay yidhaahdaan qaad aan sigaar lahayn ma dhadhamayo, waxaanad arkaysaa sida loo iibsado sigaarka suuqyadeena waaweyn iyo sida ay uga taajireen dadka soo dajiya sigaarka ee ka ganacsada
Way adag tahay in aad aragto wadnkeena qof ama cid dadka ka waaninaysa sigaarka iyo isticmaalkiisa waxa iyana aanad arkayn meel uu mamnuuc ka yahay sigaarku marka laga reebo Masaajidada. Dadkii samaynayey sida Yurub iyo Ameerka way ka mamnuuceen meel kasta oo ay bulshadu iskugu timaado sida guryahay, goobaha shaqada, maqaaxiyaha iyo iskuulada xitaa lama xaysiin karo sigaar waayo waxay ogyihiin dhibaatdiisa
Waxaan halkan ku soo bandhigi doonaa dhibaatad caafimaad ee sigaarku u leeyahay dadka
Marka uu qofku nuugo sigaar waxa sambabada qofka galaya ilaa 4000 (afar kun) oo ah maadooyin khatar ah oo 60 ka mid ahi ay keeni karaan cudurka Kansarka. Waxa qofka sigaarka caba kordha cadaadiska dhiiga si fududna wuu u xiiqaa waxaana yaraada difaaca uu jidhku iskaga difaaco cudurada
Cudurada uu keeni karo sigaarku
• Cuduro badan oo ku dhaca sambabada sida asmada ama xiiqda
• Wadna xanuun
• Istarook
• Kansar ku dhaca meelo badan sida sambabada, kaadi kasta, mindhicirka iyo cunaha ama dhuunta
• Wuxuu yareeyaa in qofku ilmo dhalo
• Waxa qofku khatar u yahay in uu qaado macaan iyo roomatism
• Ragga oo uu ka yareeyo hamada
• Dumarka oo ka joojiyo in ay uur qaado
Sidee la iskaga joojin karaa sigaarka?
Wax walba nolasha waa dadaal iyo niyad sigaarkana hadaad go’aan ka gaadho waad joojin kartaa waxaana imika jira waxyaabo badan oo kuu fududeynaya joojintiisa sida:
• Xanjo
• Balstar la isku dhajiyo
• Kiniin la cuno
• Dawo afka ama sanka la iskaga buufiyo
Waxa isaguna aanay khatartiisu ka yarayn qofka agjooga ama la fadhiista dadka sigaarka cabaya ee isna sanka ka qaadanay oo ay dhakhaatiirtu marmarka qaarkood yidhaahdeen waabuu ka khatar badan yahay
Talo guud
Waxaan kula talin lahaa dhamaan dadka caba sigaarka in ay iska joojiyaan oo ay naftooda iyo dhaqaalahooda iyo jidhkoodba u tudhaan. Dadka bulshadu wax ka dhagaystaan sida culimada Diinta, dhakhaatiirta, macalimiinta, waalidiinta iyo wax garadkaba in ay dadka aad uga waaniyaan. Ganacsatada sigaarkana waxaa odhan lahaa Ilaahay ka baqa oo dadka sunta ka daaya way badan yihiin wax laga ganacsadee.</p>