Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: m.mo141 on August 17, 2015, 08:38:06 PM

Title: SU'AAL: BURADA KU SAMEESANTA ILMO GALEENKA?
Post by: m.mo141 on August 17, 2015, 08:38:06 PM
Salaan ka dib SOMALI DOC. waxaan qabaa 2 suaal

Hoyo aya hospital aaday waxa la dhahay Ilmo galeenka ayaa Buro kaaga jirto xameetadana dhagax ayaa kaga jirto

xameetada waan fahmay lkn


Maxaa lagu garta BURADA Ilmo Galeenka Ku dhaco

qof uur leh o bilaaw ah ilmo galeenka buro ku leh maxay dhib u keenaysaa cunugaas

Uurka Iyo Xameetada Iyo Burada malagu dhali karaa


wa mahadsan tihiin
Title: Re: SU'AAL: BURADA KU SAMEESANTA ILMO GALEENKA?
Post by: SomaliDoc on August 18, 2015, 01:15:45 PM
Buradu waa noocee, dhowr nooc oo buro ayaa jira, ma buro biyood baa? mise waa fiix? mise waa buro fibroid?
Faahfaahin ka bixi nooca ay tahay si loo ogaado waxa ay dhib u keeni karto uurka iyo in kale.
Sidoo kale xameetida haddii aysan xanuun kugu heynin dhagaxa ku jiro waad ku dhali kartaa...
Title: Re: SU'AAL: BURADA KU SAMEESANTA ILMO GALEENKA?
Post by: m.mo141 on August 18, 2015, 01:20:55 PM
Waxaa la dhahay burada magaceda wa Uterine Fibroids size keeda 5.35 Cm waana Cyst o benign ah

o ilmo galeenka ayay ku jirta buraadaaas marka dhibaaatada ay u keenayso hooyo o uur leh wa maxay ??

xameetada xanuun ayay ku haysta ???
Title: Re: SU'AAL: BURADA KU SAMEESANTA ILMO GALEENKA?
Post by: SomaliDoc on August 18, 2015, 02:51:00 PM
Waxaa la yiraahdaa boqolkiiba 10% haweenka qaba fibroid-ka ayaa la kulmo dhibaato xilliga uurka, inta kale caadi ayay u dhalaan.
Inkastoo ay ku xiran tahay cabirka iyo nooca fibroid-ka iyo haddii ay jiri karo halis in ay maroojisanto ama cadaadisanto taasoo dhiig in burada ka xirmo kadibne xanuun siyaado ah ay keento dhici karto.
Qofka ugu habboon ee ka jawaabi karo su'aashaas waa dhakhtarkeeda maadaama uu ka warqabo xaaladeeda guud, uurkeeda iyo warbixin intaa ka badan ee burada ku saabsan.
Midda kale fibroid iyo cyst labo ayay kala yihiin?!!!

Midka ku saabsan xameetida waxaa fiican in la hubiyo in dhagax kaliya uu jiro iyo inuu infekshan jiro, dhagaxa intuu la egyahay iyo halista inuu dhagaxa soo baxo inta ay la egtahay iyadane faahfaahin dheeraad ah ayaa looga baahan yahay.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xameeto xanuunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5490.0.html)