Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Anii on August 22, 2015, 12:54:44 AM
-
SALAAMU CALEEYKUM WALAAL MAXAA SABABA XANUUNKA LA YIRAAHDO PANIC ATTACK MAXAASE DAAWO U AH AMA LAGU DABIIBI KARAA QOFKA QABO CUDURKAAAS
-
Ciladda argagaxa "Panic Disorder" waa nooc ka mid ah ciladda wallaaca. Waxaa uu keenaa argagax, oo ah dareen cabsi ah oo aan sabab lahayn.
Sidoo kale waxaad dareemi kartaa calaamado jirka ah, sida
• Garaaca wadnaha oo bata
• Shafka oo ku xanuuna
• Neefsashada oo dhib kugu noqota
• Dawakh
Argagaxa waxaa uu yimaad xilli kasta, oo meel kasta ayuu ka dhici karaa digniin la’aan.
Waxaad ku noolaaneysaa cabsi oo ad ka qabto in uu markale kugu dhaco waxaana suuragal ah in aad ka fogaato meelaha uu hore kugu qabsaday. Dadka qaarkiisa, cabsida ayaa noqota mid ay noloshooda qabaan mana ay ka baxaan guryahooda.
Ciladda argagaxa waxay ku badan tahay haweenka marka ragga loo eego.
Caadi ahaan waxay billaabataa marka dadku dhallinyaro yihiin.
Mararka qaarkooda waxay billaabataa marka uu qofka haysto kadeed badan.
Dadka badankiisa ayaa daaweynta ku bogsada.
Daaweynta waxay ku tusin kartaa sida loo aqoonsado islamarkaana loo beddelo qaabka aad u fakarto inta aysan keenin argagax. Daawooyinka ayaa sidoo kale ku caawini kara.
La xiriir takhtar ku takhasusay cudurrada maskaxda si qofka xanuunsan loola tacaalo.