Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Elmi Hirabey on August 22, 2015, 01:02:39 AM

Title: Su'aal: Hingada maxay tahay?
Post by: Elmi Hirabey on August 22, 2015, 01:02:39 AM
Asc , dhakhtarada iyo dhamaan hawl-wadeennada waan salaamayaa waana u mahadcelinayaaa.
        su'aalsheydu waxay tahay : wax a loo yaqaano hingada ama hinqada guud ahaan maxey astaan utahay caafimaad ahaan ? gaar ahaan ilmaha dhashey inuu marar badan hingado maxaa sababa ? maxey dhib ah oo ilmaha Ku keeni kartaa ? hingadu ilmaha ma u fiicanyahay ? maxaa Lagu xallin  karaa ?  .

  ALLAA MAHAD LEH.
Title: Re: Su'aal: Hingada maxay tahay?
Post by: SomaliDoc on August 23, 2015, 01:18:22 PM
Hingada aad ayay ugu badan tahay caruurta ka yar da'da 1 sano, xitaa waxaa la arkay in uurjiifka uu inta uu ku jiro caloosha hooyadii inuu hingoodo waa arrin caadi ah.

Inkastoo waalidku ay ka walwaliso hingada caruurtooda yaryar laakiin wax dhibaato ah haba yaraatee oo keenayso ma lahan waa wax si dabiici ah ku yimaado, waxayna ku xiran tahay dharagta siyaadada ah, cunuga oo si degdeg ah caano badan u liqo, caloosha oo hawo uga buusanto oo cadaadis saarto muruqa feeraha iyo caloosha kala qaybiyo.

Waxaad walwashaa uun markii hingadu ay joogto noqoto, cunugane uu hal sano ka waynaado, markaas dhakhtar la xiriir.

Siyaabaha kala duwan ee la sheego in hingada loo sitaajiyo laguma sameeyo caruurta yaryar, waxyaabaha dadka waaweyn ay hingada ku joojiyaan ayaa ka mid ah in qofka laga dhixiyo ama isagoo filanayn lagu qayliyo, in indhaha laga cadaadiyo, in carabka la soo jiido inkastoo arrimahaas wax cilmi ahaan loo hubo aysanahayn.

Halkaan ka akhriso laba jawaab oo aan horay uga hadalnay hingada: