Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Noor Awdol on August 22, 2015, 02:59:51 PM

Title: Su'aal: Hurdo fudayd badan ayaan leeyahay?
Post by: Noor Awdol on August 22, 2015, 02:59:51 PM
Asc Dr hurdo fudayd badan ayaan leeyahay hadaan kacana sahal uguma noqdo hurdada ee maxaa xal ah
Title: Re: Su'aal: Hurdo fudayd badan ayaan leeyahay?
Post by: SomaliDoc on August 23, 2015, 01:56:21 PM
Ilaahay isku si uma abuurin dadka biniaadanka, waxyaabaha lagu kala duwan yahay waxaa ka mid ah dhinaca hurdada.

Dad bay u fudud tahay in ay dhakhso helaan hurdo, dadne way ku culus tahay, dad bay xaalado gooni ah dhib ku tahay, waqtiyo kalane way helaan, dad baa si dhakhso ah u soo toosi karo, dad baa dhibaato tahay in la kiciyo, dad baa soo kaca laakiin aanan horay ka soo istaagi karin.

Hurdada laftikeeda waxay martaa dhowr marxaladood inta uusan qofka galin hurdo dheer.

Haddii aysan jirin cillad kale sida madax xanuun, neersashada oo ku dhibto markaa hurdaysid, hurdada oo aad ka soo dhaxdid iyo in aadan dareemin in aad huruday markaa soo toostid iyo in aad hurdada dhaxdeeda ku qarawdid, haddii intaas oo cillad aadan lahayn iyo dhibaato kalaba, hurdo fudueydka dhibaato ma lahan.

Waxaad ku dadaashaa in aad ku hurudid meel aan buuq lahayn oo aad ugu talagashay in aad ku heshid hurdo aan lagaa qasin.
Haddii aadan dhaqdhaqaaq badan samaynin ama jimicsi ama socod badan aadan galin, waxay keeni kartaa in hurdada aadan ku raaxaysanin oo dhakhso u soo toosi kartid.

Haddii aad balwad leedahay waa in aad joojisaa, haddii welwel iyo fakar kula soo dirsay oo arrintaan aadan horay u qabi jirin waa in aad xal u raadisaa welwelkaas.
[hr
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.