Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Zadiiq on August 24, 2015, 10:42:23 AM
-
Asc dr.
wiil yar oo aan dhalay ayaa marwalba waxaa kusoo noqda quman xanuun
xalka ugu wanaagsan waa sidee
ma in laga qalaa mise in marwalba kaalmaati iyo daawooyinka anti biotic ah la siiyo
f.g. xanuunka qumanka in badan oo faamilkayga ah ayaa qaba
-
Xanuunka quumanka hadduu joogto noqdo oo dhowr jeer soo laalaabto waxay dhakhaatiirta ku taliyaan in laga qalo caruurta maxaa yeelay:
1- wuxuu saameyn ku yeelan karaa korriinka caruurta.
2- bakteeriyada quummanka keento waxay dhaawac gaarsiin kartaa wadnaha, kilyaha ama kalagoysyada, sidaa daraadeed ka hortag ahaan waa la qalaa.
Qalliinka ma ahan wax dhib badan oo waa uu sahlan yahay.
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunka quunka iyo sida loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html)
Waxaa kaloo halkaan ka akhrisataa qaabka loo qalo quunka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3477.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3477.0.html)