Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaaficifalcoa on August 25, 2015, 10:13:00 AM

Title: Su'aal: Dheecaan ka yimaada guska?
Post by: Shaaficifalcoa on August 25, 2015, 10:13:00 AM
asc su'aashan waxaa iga codsaday inaan u soo gudbiyo yar sxpkay ah una baahan talo caafimaad wuxuu yidhi mudo badan ayaan markaan kaa kaajayo ka hor ama kadib uu iga yimaado dheecaan u eg malax dhakhtar ayn u tegey wuxuu ii diiray in la eego bacteriayada ku jirta jidhka oo la sameeyo culture reveals inkastoo qoraalka dhakhtarka u akhrin karin hadana waxaa qoran qoraal noocaanah (c^cphyloccusauzeus) wuxuuna qoray daawooyin badan oo antibiotic ah cimmentsna qaar wuxuu ku qoray R qaarna S
waana kuwaan
ampicillin R
bacitracin S
erythromycin S
norfloxacin S
gentamicin S
ciprofloxin S
marka dhakhtarkiisa daawooyin buu u qoray wuuna caafimaday balse malaxdiii waxay isu rogtay biyo cad oo dheg dheg leh marka dictorkiina magaalada wuu ka tegay hada wuxu rabaa talo daawooyinkan teebaan qataa ah iyo bacteriyadan waxay tahy  iyo inta ay tahay harmful bacteria
mahadaanidiin
Title: Re: Su'aal: Dheecaan ka yimaada guska?
Post by: SomaliDoc on August 26, 2015, 02:52:07 PM
Horta su'aashaada kama caddo xanuunka laga helay waxa uu yahay, inkastoo aan u jeedo daawooyinka wax ka tarayo iyo kuwa dulqaadka u yeeshay.

Xarafka "R" waxaa laga wadaa "Resistant" oo ah macnaheeda xanuunka u keenay malaxdas daawada "R" lagu horqoray waxba kama tarayso.

Xarafka "S" waxaa laga wadaa "Sensitive" oo ah macnaheeda xanuunka u keenay malaxdaas daawada "S" lagu horqoray wax way ka taraysaa.

Qofka dhlainyarada ah hadduu isku arko calaamadahaan waxaa habboon in laga baaro xanuunada ugu badan ee keeno kuwaas oo kala ah: Gonorrhea iyo Chlymedia.

Halkaan ka akhriso qoraalo ku saabsan labadaas xanuun:
1- Gonorrhea: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1030.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1030.0.html)
2- Chlamydia: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1040.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1040.0.html)

Waa inuu dhakhtar la xiriiraa baaritaannadii hore loogu sameeyay iyo daawooyinka uu qaatane horay u sii qaadaa oo uu dhakhtarka tusiyaa si talo idiin siiyo.