Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ayaan Qalbi on August 25, 2015, 05:01:13 PM
-
asc wll su.aal ban raba inan idin waydiiyo shaqda aad ummuda somaliyeed ee muslimka ahu haysan alle haydinka siiyo kheir iyo xasanaada
waxaan idin waydiiyey wll madax ayaa dhinac iso buurmaye barar isla weekgii hadna dhinac kale geeska madax baa isoo kuusmaye hadna xaga danbe
ee madax iso kuusmaye markas wuu i xanuuni aad marna caadi ban noqon marna wuu iga tegi marna wuu soo noqon dhaqtarkan waxay dhahene wax weeye xasaasiyada markii hore kuuskuus madax waxa iii raacayey wareer iyo dhego xanuun dhuun xanuun sanka aad moodo inuu i gororayo markas scan way diideden wax weyne maaha bay dhahene lkn xanuunkii madax wu iga tagi layahay iyo barar marba wuu soo noqon fadlan wl iiga soo jwbomaxay noqon karna waxasi xasaasiyada mise waxkale alle kheir haydin siiyo
-
Horay ma u qabi jirtay xasaasiyadda?
Hadda ka hor sidaan ma noqotay?
Inta aadan noqon ka hor wax daawo ah oo aad isiticmaalaysay ma jiraan?
Ma leedahay xanuuno kale oo aad isku ogtahay ama daawo aad ka qaadatid?
Kuuskuuska ma iska dagay mise daawo ayaa lagu siiyay oo sidaas ayuu ku dagay?
Wax jug ah oo kaa gaaray ma jiraan madaxa hadda ka hor?
Xanuun maqaarka ah oo aad qabtid ma jiraa?
Xanuun dhiigbax ama caadadaada oo siyaado noqoto ama hadduu dhaawac ku gaaro dhiigga oo dhakhso istaagi waayo ma leedahay?
Fadlan su'aalahaas ka soo jawaab si aan talo kaaga siyo cabashadaada.