Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Elmi Hirabey on September 06, 2015, 05:41:12 PM

Title: Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?
Post by: Elmi Hirabey on September 06, 2015, 05:41:12 PM
Asc, waan u mahad-celinayaa dhakhtarrada fursadaan qaaligaa noo ogolaadey.
   su'aasheydu waxay tahay : waxaan wada ognahay in ilmuhu markey dhashaan ay madaxa kuleeyihiin  meel yar oo jilicsan oo aan lafta madaxa laheyn isla markaana dhaqdhaqaaqda , haddaba abuurista kasakow cilmiga caafimaad ahaan maxaa Lagu macneeyaa ? majiraan caruur kudhalata ayagoon laheyn ? meeqa jir ayey kubuuxsantaa ? haddii ilmaha wax uga dhacaan dhib intee le'eg ayey sababi kartaa ? in wax adag sida caleen lashiidey ama malmal IWM lamariyo maxaa kadhalan kara faa'iido iyo khasaaro ? .
  ALLAAA MAHAD LEH.
Title: Re: Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?
Post by: SomaliDoc on September 07, 2015, 02:11:40 PM
(http://somalidoc.com/Topics/nushnush.png)

Nushnushleyda ama meesha jilicsan ee basada caruurta yaryar ku taallo waa abuuris ilaahay ugu talagalay faaidooyin badan inta ay ka daboolmayso.
Hooyooyin badan ayaa ka walwala ama is weydiiyay nushnushleyda caruurtooda in ay cilladi keeni karto iyo in kale.
Waxaan qoraalkaan kaga jawaabi doonaa su'aalo badan oo waalidku isweydiiyo:

Waa maxay Faa'idada Nushnushleyda?
Meel kasta oo jirkeena ka mid ah waxaad ka baranaysaa awoodda ilaahey iyo mucjisada ka dambaysa abuuristeeda, ogow markaas faa'idada ka dambaysa ama ha ogaanin, mar waliba waa in aad aaminsan tahay in ay macno leedahay abuuris kasto uu eebe wax u abuuro.
Nushnushleyda waa boos banaan oo u dhaxayso lafaha madaxa qeybteeda hore, waxaana si toos ah halkaas basada uga hooseeyo maskaxdii cunugga.
Waxay xirantaa ama daboolantaa inta u dhaxaysa 7 illaa 19 bilood gudahood iyadoo ku xiran marka korriinka maskaxda uu dhamaado.
Faa'idooyinka illaa iyo hadda la og yahay ee nushnushelyda waxaa ka mid ah:

Maxaa keeno in nushnushleyda ay boodboodo ama garaacanto sida wadnaha oo kale?
Nushnushleyda oo garaacanto wax dhib ah ma keento caafimaad ahaan, waxayna badanaa hooyadu ay arki kartaa markii ay nuujinayso.

Ma taaban karaa nushnushleyda, haddii aan salaaxane ma dhib ayaa ka imaan kara?
Hooyooyin waxaa jira aaminsan in aan nushnushleyda la taaban karin oo cunuga dhib u imaanayo.
Taabashada wax dhib ah ma lahan, markaa cunuga u qubaynaysid oo kale wax dhib ah ma lahan, waxa la diidayo waa in la riixo ama la cadaadiyo kaliya, waana muhiim in aad ka ilaaliso caruurta yaryar ee guriga la joogto.

Waxyaabaha la mariyo sida malmasha iyo geedo daaweedka kale, maxay taraan?
Caafimaad ahaan wax sal iyo raad leh maahan, sidaas awgeed waxaa habboon in aadan waxba marin oon waxna ku samaynin, waqtigii ilaahay ugu talagalay ee ay maskaxda korriinka dhamaysato isagaa xirayo waana sababta ay ugu kala duwan yihin caruurta xagga korriinka maskaxda, qaar ayaa dhakhso u kortaa, nushnushleydane daboolantaa muddo gaaban, laakiin haddii aad sii aragtid nushnushleyda oo furan 19 bilood ka dib, markaas la tasho dhakhtar.

Caruurta la'aanteed ma ku dhalan karaan?
Haddii cunuga uu dhahso nushnushley la'aan waa in aad dhakhtar caruur si dhakhso ah ula tashataa, maxaayeelay korriinka maskaxda cunugaas ayaa hali ku jira, badanane xanuuno caruurtu ku dhashaan oo maskax yari keeno ayaa jira.

Haddii nushnushelyda ay xermi wayso ma keeni kartaa in madaxa cunuga uu weynaado?
Maya, ma keento laakiin hadduu cunuga madax barar ku dhasho waxaa dhici karto in nushnushleyda ay xirmi wayso ama soo daahdo sida xaaladda loo yaqaano "hydrocephalus" oo kale, ka akhriso halkaan waxa ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3834.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3834.0.html)

Haddii aad wax su'aal ah qabtid, iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?
Post by: Ali Muxsin on September 08, 2015, 11:53:52 AM
ASc marka hore waa mahadsantihin inta cilmimga caafimaadka u saaxibka ah.
waxaa suaal ka qabaa Nushnushleyda madaxa ilmaha yar.
cunug jiro 1bil oo 3 nushnusley leh macnaha 3 meel oo madaxa ku leyahay nushnushleey  dhib mey leedahay waayo wax arki jirnay hal nushnushley cunuga inuu yeesho
Title: Re: Su'aal: Nushnushleyda madaxa ilmaha yar?
Post by: SomaliDoc on September 09, 2015, 01:18:38 PM
Badanaa caruurta markay dhashaan laba meel ayaa jilicsan, mid basada hore ku taallo oo la wada yaqaano iyo mid gadaal ku taallo dhinaca qadaadak, taasi badanaa lama arko maadaama ay dhakhso xiranto.
Midda sadaxaad aad sheegtay halkee ku taallaa? ama halkee ku aragtay?, cunugane meeqo bilood ayuu jiraa?