Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fatma Funny on September 07, 2015, 12:41:00 PM
-
asc
dr maxaa keena suuska maxaa se daawo u ah oo looga hor tagi karaaa
su' ~ 2. waxan leeyahaay xiiqmo marka aan soconayo runti aad ayan u xiiqaya hadan hadlo oo hadalka aya idhibaya ma hadli karo ilaa aan cabaar fariisto oo nasto hadii aan lu geeyo cabaar oo qof ila socda uu ila sheekaysto runtii sacab ama DHib ayay igu noqonaysaa inan u jawabo oo waan xiiqaya sidi qof naqaska qabanayo o kale dr maxa igu la talinaysaa inan sameeyo ama uga hor tago maxa se keeni kara xata hadii aan xanaaqo waan xiiqaya ama aan cabaar qayliyo ama muran aan sameeyo
-
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan bololka ama suuska ilkaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html)
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xiiqda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)
Laakiin waxaad ogaataa in xiiqda ay ka imaan karto dhinaca wadnaha haddii aad cayilan tahay ama dhiig kar qabtid ama barar jirka u badan lugaha uu jiro ama xanuunka dufanka dhiigga uu jiro, fadlan la xiriir dhakhtar si loo ogaado waxa xiiqda kuu keenay.