Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu muhammad on September 10, 2015, 12:16:56 AM
-
Salaan ka gadaal waad ku mahadsantihiin shaqada aad haysaan ee wanaagsan.
Waxaan rabay su'aal taas oo ah,
jilibki haruubkiisa (ama wareega) meesha yar ee ka hoosaysa ee kuusan ayaa isoo barartay markaan taabtana wax dareere aad moodo oo jilicsan ayaa ka buuxo. Markaan sujuudana culeys iyo xanuun ayaan ka dareemi. Maxaa lagu tilmaami karaa intaad ka ogtihiin? Mahadsanidiin.
-
Jilibka oo ku barara waxaa ugu horeeyo lur ama hur wax ka dhashay taasoo imaan karta jug dabadii ama jug la'aan.
Waxaa kaloo keeni karo haddii dareeraha kalagoyskaku jiro oo booskiisa ka baxo ama jilibka uu yeesho buro biyood loo yaqaano "baker's cyst" oo ah meel kusuan oo dareere ku aruurto.
Si loo kala ogaado waxa ay tahay, waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid, haddii aad horay isugu ogaan jirtay xanuun lafaha sida roomaatiisamka ama riixa waa muhiim in aad dhakhtarkaaga la socodsiisid.
Waxyaabaha kaa yarayn karo bararka waa in aad jilibka nasiino siisaa oo aadan culeys saarin, waa in aadan riixriixin ama tuutuujin, waa in aadan marin daawo uusan dhakhtar kaala talin, waa in aad miisaankaaga yarayso haddii aad cayilan tahay, haddii ay jug kaa gaartay waa in aad qaadataa daawooyinka yareeyo lurka si bararka u dago.
Akhriso;
1- Riixa ama Tufta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html)
2- Laabato xanuunka iyo bararka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html)
-
Cafwan adigoo mahadsan waxa aan ka hadlaayo jilibka laftiisa maahe ee waa lafta kuusan ee yaree ka hooseeysa jilibka. Oo marka aysan wax qabin lafta iska ah lknse hada u muuqato inay wax jilisan oo dareere ah ka buuxaan.
Culeys malihi. Nasiino maraboo culeys aan sujuuda ahayn masaaro. Ma tuutuujin. Daawo ma marin. Mahadsanid.
-
Lafta kuusan ee aad tilmaamayso waxaa la dhahaa "kuraankur" waxayna ka mid tahay kalagoyska jilibka lafaha ka shaqaysiiya, haddii barar ku yimaado cillada kalagoyska ayay ka socon kartaa, sababtoo ah kuraankurta waa laf adag oo seedaha murqaha bowdada ka yimaado ayay haysaa ee meel dheecaan uu ka galo ma lahan, haddii meel kuusan ama dareere inay ku jiraan oo kale aad dareento cillada kalagoyska ayay ka socotaa.