Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibnu muhammad on September 10, 2015, 12:24:46 AM

Title: Su'aal: Waa maxay ilka nadiifinta?
Post by: Ibnu muhammad on September 10, 2015, 12:24:46 AM
Salaan kadib waxaan dhakaatiirta sharaftaleh waydiin lahaa su'aal ku saabsan ilka nadiifinta.
Waa maxay ilka nadiifinta? Dhibse ma u keeneysaa ilkaha caafimaadkooda iyo mustaqbalkooda sida dhalaalyo saliilyo? Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay ilka nadiifinta?
Post by: SomaliDoc on September 11, 2015, 12:46:48 PM
Maxaad ka wadaa ilko nadiifinta? cadayga iyo buraashka miyaa ka wadaa? Xariga ilkaha lagu nadiifiyo miyaa ka wadaa? Ilko xoqista miyaa ka wadaa oo mashiinka loo adeegsado si huurada looga qaado?

Fadlan soo cadeey su'aashaada.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay ilka nadiifinta?
Post by: Ibnu muhammad on September 11, 2015, 03:06:27 PM
Cafwan, burush iyo caday toona maaha ee ilkaha markay digir yeeshaan ama wasakhoobaan ayaa laygu yiri waa la na diifiyaa oo waxaas ku yaalo ayaa laga hoolaa oo laga dhaqaa. Qaabka loo sameeyo iyo waxa loo adeegsado anigu ma aqaan, waana sababta aan su'aasha usoo weydiiyay. Mahadsanid ditoore.
Title: Re: Su'aal: Waa maxay ilka nadiifinta?
Post by: CilmiSabca on September 11, 2015, 03:22:14 PM
DR. Anigu waxaan arkay wiil aan saaxiibo nahay oo ilkaha ku nadiifinaya budada koloriinta iyo caday, waxaan ku idhi 'Waa sun ee iska daa' laakiin ma uusan iska deynin oo hadba in yar oo koloriin ah, ayuu ku cadayan jirey. Marka DR. Koloriinta budada ah ee cad, ma lagu cadayan karaa? Haddii ay hoos iyo caloosha tagto, miyaa lagu xanuunsanayaa? 
Title: Re: Su'aal: Waa maxay ilka nadiifinta?
Post by: SomaliDoc on September 13, 2015, 12:34:20 PM
Cafwan, burush iyo caday toona maaha ee ilkaha markay digir yeeshaan ama wasakhoobaan ayaa laygu yiri waa la na diifiyaa oo waxaas ku yaalo ayaa laga hoolaa oo laga dhaqaa. Qaabka loo sameeyo iyo waxa loo adeegsado anigu ma aqaan, waana sababta aan su'aasha usoo weydiiyay. Mahadsanid ditoore.
Waa sax, hoolista ama xoqista waxaa loo yaqaanaa "scalng & polishing" waxaa ilka laga fujiyaa huurada ku dhagan iyo midabka saaran, waxaana la adeegsadaa mashiin.
Haddii ilkaha ay jiran yihiin lama hoolo, hadduu kaalsiyamka kugu yaryahayne oo halis ugu jiraan inay jajabaan, iyadane lama hoolo, hadduu ciridka jiran yahay oo uu durgay iyadane in la hoolo ma fiicno.
Saliilyada ilkaha laga dareemo waxay ka imaataa hadduu kaalsyamka kugu yaryahay ama neerfaha xididka ilkaha uu banaanka u soo baxsan yahay, laakiin xoqista ama hoolista sideeda dhib uma keento.

DR. Anigu waxaan arkay wiil aan saaxiibo nahay oo ilkaha ku nadiifinaya budada koloriinta iyo caday, waxaan ku idhi 'Waa sun ee iska daa' laakiin ma uusan iska deynin oo hadba in yar oo koloriin ah, ayuu ku cadayan jirey. Marka DR. Koloriinta budada ah ee cad, ma lagu cadayan karaa? Haddii ay hoos iyo caloosha tagto, miyaa lagu xanuunsanayaa? 
Koloriinta budada ah waa maado jeermis dile ah, biyaha la cabo waa lagu daraa laakiin qiyaas aanan dhib keeni karin ayaa lagu daraa.
Laba dhib ayay keentaa haddii lagu cadeesto:
1- Xasaasiyad ciridka ah taasoo keeni karta in ciridka uu jeexjeexmo ama dildillaac yeesho ama ilkaha uu ka durqo.
2- Maadaama ay jeermis dile ay tahay, waxay keeni kartaa in bakteeriyada afka oo dhan in ay dhimato teeda faa'idada leh iyo mideeda dhibka leh intaba, haddii bakteeriyada faaidada leh jirka laga dilo waxay keentaa dhibaato ay ka mid tahay in qofku u nuglaado in jeermiska xun iska difaaci karin, waxaana dadkaas badanaa ku dhaco cabeebka iyo cudurrada fangaska keeno oo ku dahca afka.