Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on September 16, 2015, 07:18:10 AM
-
Asc Dr. Waxaan ahay nin kistoo dheer dad Ka qaarna kalafa weeyn asna laga lafa weeyn yahay . waxaa rabaa in aan lafaheeyga koriyo oo ee weeynaadaan . tusaale gacanta xaga hore ee bal bal Ka loo yaqaan ama cududa meesha saacada lagu xirto . ee suurta gal matay? muda sanado ah wax hadii aan cuno lafaha ii korinaayo majiraan . mahadsanid somalidoc.com
-
Haddii dadka qaar aad ka lafa waawayn tahay, dadka qaarne kaa lafa waawayn yihiin, qof dabiici oo dhexdhexaad ayaa tahayee maxaad ku dooratay in aad lafaha koriso?!
Ma jirto daawo loogu talagalay in ay lafaha waynaysiiso ama ballaariso, laakiin haddii jirkaaga ay ku yaryihiin waxyaabaha laga sameeyo lafaha sida kaalsiyamka oo kale, cunnooyinka kaalsiyamka ay ku badan yihiin sida caanaha iyo wixii laga sameeyo oo idil way ku anfacayaan.
Haddii aad caafimaad qabtid, ku dadaal in aad cuntid cunno isudheellitiran, jimicsi sameey, balwadane iska ilaali, daawa aadan u baahnayn ama dhakhtar uusan kuu oqrine ha qaadanin.