Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sadak on September 21, 2015, 05:51:44 PM
-
Asalaamu Caleykum Bahda Somali Doc,
Marka Hore waxaan si xishmad leh ugu mahad celinayaa dhamaan Dhakhaatirteena sharafta badan oo isku howshay sidii aay Bogaan caafimaad ugu fureen Umadeena Soomaliyeed meel walba oo aay calamka ka joogan
Su'aasheda waxa weeyaan Doctors Mudo ku dhow 3 Sano Ayaan waa isku arkay xanuun kaas oo ah in wax walba oo carfaayan I dhibaayan oo waliba aad neefta aad I dhibeyso hadi aan isticmaalo, kadib waa ka fogaaday wax yabahaas oo dhan ilaa xaaski aan isku dhib qabo ugu dambeyna aan kala tagnay xaaskeyga dhibaatadaas darted, wayo way iloobee sariirta aan ku jifanaayo hadii wax yar oo OMO ah iga so carfaan habeen kaas dhan jiif ma jiro, Waxyaba I dhibayo waxaa ka mid ah barafuunka, Omada, iyo meelaha qaboow sida IC baabur iyo Xafisyada
Marka cudurkaas muxuu noqon karaa maxaase xal u ah Dhowr dhaqtar aan u tagay waxba igama suuroobin
aad Ayaan idinkugu mahad celinayaa taladiinana waa u bahanay waayo inaa dadka dhan ka go'o ayay maree
Allaha ina wada caafiyo
Mahadsanidiin
-
Marka hore waan ka xumahay in aad xaaskaaga ku kala tagtaan arintaan darteed maadaama sida aad tilmaantay ay hilmaamayso in ay kaa ilaaliso waxyaabaha aad dhibsanaysid.
Waana arrin jirta hadduusan qofka fahansanayn waxa hayo in ay dhibaato noocaan ahi ka dhalato oo guryo ku dumaan.
Waxa ku hayo waa neef ama xiiq ka dhalanayso xasaasiyad, taasoo ay kugu kicinayso sida aad tilamantay waxyaabaha udgoon ama carfaayo.
Qofba waxbaa ku kiciya neefta, waxyaabaha kicin kara waxaa ka mid ah: carafta barafuunka, uunsiga, kareemayda carfa, qiiqa baabuurta, qiiqa dhuxusha, habaaska, jawiga qabow, cunnooyinka qaar, sunta guryaha lagu buufiyo, dhogorta xoolaha iyo xayawaanada, geedaha qaar iyo waxyaabo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
Neeftu waa nooc allerjiga ka mid ah oo ku dhaca dhuumaha hawada marto ee sanbabada, waa xanuun la kala dhaxli karo, dadka qaar waqti dambe ayay safiican ugu soo kici kartaa inta ka horayso qofka wuxuu yeelan karaa Samboor, Cuncun indhaha ama xajiin korka ah.
Fadlan halkaan ka akhriso waxa neeftu ay tahay iyo qoraalo kale oo la xiriira:
1- Neefta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)
2- Samboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html)
3- Cuncunka Indhaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1121.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1121.0.html)
4- Xajiinta jirka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,532.0.html)
Mida kale haddii aad gabadha ku furtay arinta aad tilmaantay darteed, waxaan aaminsanahay in aad dambi ka gashayee alle u towbad keen iyadane ka cafis dalbo.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa