Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Mohamed on September 22, 2015, 04:39:24 PM

Title: Su'aal: Uurka goormaa la ogaan karaa wiil iyo gabadh?
Post by: Umu Mohamed on September 22, 2015, 04:39:24 PM
1.uurka wakhtigee la ogaan karaa inuu yahay wiil iyo gabadh

2.uurka sharaabka sodhaha leh wax mayeeli karaa  sida  pepsi , fanta , coka
Title: Re: Su'aal: Uurka goormaa la ogaan karaa wiil iyo gabadh?
Post by: SomaliDoc on September 27, 2015, 12:02:54 PM
Waqtiga la ogaan karo waxay ku xiran tahay qalabka aad ku baari rabto, haddii aad rabto ultrasound ama kumbuyuutarka caloosha la saaro in aad ku ogaatid waxaa ogaan kartaa wixii ka dambeeya 14 usbuuc, laakiin badanaa dhakhaatiirta 18 usbuuc markuu gaaro ayay si sahlan u xaqiijin karaan.

Waa laga fiican yahay in la cabo cabitaanada aashitada leh ee SODA-da, maadaama ay tamar qofka u yeelayaan iyadoo wax nafaqo ah laga faaidin, waxaa intaa sii dheer soda-da qaar waxaa ku jirto maadada "caffeine" oo uurka u fiicnayn in la badsado.
Waa in aad ka fogaatid in aad cabtid cabitaanada "caffeine" ta ku badan tahay sida coca-colada oo kale.

Talo: badalka cabitaanadaas warshadaysan ku badalo cabitaano dabiici oo fresh ah.