Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abaa Dalxa on September 23, 2015, 11:54:04 AM

Title: Su'aal: Wiilkeyga majeclo cuntada nafaqada laga helo?
Post by: Abaa Dalxa on September 23, 2015, 11:54:04 AM
Asc dhamaan walalaha musliminta ah waxaan aabe u ahay wiil yar oo shan jir ah intada dalkana  majeclo ama cuntada nafaqada laga helo sida digita iyo wixila midka ah ana waan kala baqay in aan daayoyin fay tamiin ah siyo  dhakha tirta talo ha isiyaan
Title: Re: Su'aal: Wiilkeyga majeclo cuntada nafaqada laga helo?
Post by: SomaliDoc on September 27, 2015, 12:12:41 PM
Qofka wuu nici karaa ama wuu dhibsan karaa cunto gooni ah, waalidku cuntada uu u aaminsan yahay in ay faaido leedahay in caruurtisa uu ku qasbo ma ahan, midda kale digirta ama soorta kaliya lagama helo nafaqo, waxaa jira cunnooyin kale oo faaidadooda dabooli kara.
Waxa muhiimka ah uun waa in cunnada warshadaysan caruurta laga ilaaliyo khaas ahaan wax gasacadaysan ama baakadaha lagu soo xiray.
Bariiska, hilibka, kaluunka, beerka, qudaarta, fruutiska, caanaha iy wixii kaloo dabiici ah faa'ido nafaqo way leeyihiin, hadduu cunugaaga cunno gooni ah uu neceb yahay, waxaa muhiim ah in cunnadaas nafaqada laga helo in aad ogaatid kadibne cunno u dhiganto aad ugu badashd.
Tusaale ahaan, digirta waxaa badanaa laga helaa borotiin, caanaha iyo hilbka badalkeeda way gali karaan.