Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kamaal on October 02, 2015, 11:54:58 AM

Title: Su'aal: Biyaha malagu cayilayaa hadi la badsado?
Post by: Kamaal on October 02, 2015, 11:54:58 AM
digtoore wan kusalamay,waxaa rabaa in aad ila taliso waxaa ahay nin caato ah dadkana inta bdn caato badnidaa ayey idhahaa digtoor hadii maalinkii 3 liitar oo biyo ah cabo wax ma iska kay badalayaan digtoor xal ii keen
Title: Re: biyaha malagu cayilayaa hadi labadsado
Post by: Fahrer2015 on October 02, 2015, 06:18:04 PM
suaashaas jawaabteedu waa "Maya"  sababtoo ah biyuhu malaha wax Nutrition Value ah ( ama nafaqo ah)   balse nolashaa ku xidhan waana wax la aantood la nolaan karin jidhkuna uusan shaqaynkarin la aantood.hadii aad doonayso inaad is cayiliso waa inaad badsataa cunooyinka nafaqada leh, qaabbabka aad  isku cayilinkarto waxaa kamid ah in aad cunto,cunto farabadan micnaha waa inaad cunto wax kabadan 3da wakhti. hasugin inta aad ka gajonayso, hadii aad dharagto kala qaybi oo cunto yar markii ba qaado waxaadna badsata sharaabka sida maangada iyo caano shaaha sidoo kale ukunta iyo muuska aad bay u fiican yihiin,  taas waa qaabka ugu fiican eed awoodi karto  as average somali . biyo haka sugin inaad ku naaxdo, waa laga yabaa hadii aad litir biya ah aad cabto oo is misaanto in misaankaagu yara kaco taas micnaheedu ma aha inaad cayishay ,wadankena marka la eego cuntooyinka protienka ah  waa limited, hilibka ayaa kamid ah waxyaabaha ugu badan ee protienka laga helo, badana waa qaali lamana awoodayo markasta. si aad cunto badan u qaadato ka fagow ama yaree shaaha xiliyada aad gaajaysan tahay. hadii aad leedahay balwada sida  jaadka iyo siigaysiga iyadana waa inad ka fogaataa.siigaysigu waxuu markaste oo aad samayso jidhkaaga ka baxaya macdan iyo nafaqo badan oo jidhkaagu aad ugu baahan yahay.  iscayilintu ma aha shaqo sahal ah waxayna u baahan tahay ka go naasho iyo inaad wax ka badasho qaabkii aad wax u cuni jirtay . waxaa ku rajaynayaa guul. waxaa iska ilaalisa  inaad cayil ka raadiso kiinada la isku cayiliyo sida Super Power, Big Power.iwm
Title: Re: biyaha malagu cayilayaa hadi labadsado
Post by: Kamaal on October 02, 2015, 08:34:01 PM
aad baad u mahadsantahay mudane