Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saneeti on October 09, 2015, 10:41:18 AM

Title: Su'aal: Daawada TB MDR-ka?
Post by: Saneeti on October 09, 2015, 10:41:18 AM
Dr adigoo mahadsan waxaan rabaa in aan ku weydiiyo Suaal ahaan gbr wlalshey ah ayaa loo bilaaway daawada MDR ka waxaan la siiyey cirbada iyo kaniiniyaal mgc yada kaniiniyada waa ku waaan Closerin cycloserine 250mg ethionamide tblet usp 250 pyrazinamide 400mg levofloxacin 500mg iyo 250mg  dawadii waxeey ka qaaday beer xanuun qandho drka markii aan weydiinay jawab saxan nama siiyo marka dr adigaa dhaqtar ah talada ugu muhiimsan noo sheeeg mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Daawada TB MDR-ka?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2015, 12:21:04 PM
Daawada loo qaato MDR Tb-da waa daawo culus oo la rabo qofka inuu qaato muddo dheer, way dhici kartaa in qofka uu ku xanuunsado, laakiin waa in markaas la is barbar dhigo faaidada iyo khasaarada ka dhalanayso in daawad la joojiyo ama la badalo haddii la badali karo, taladayda waa in aad dhakhtarka waydiisaan dhibaatada hada haysato inay tahay wax ay daawada keentay iyo heerka ay marayso dhibaatadaas haddii ay beerka wax gaarsiisay, baaritaan beerka lagu sameeyo ayaa jiro oo dhiiga laga baaaro oo lala socdo dheecaannada beerka kacsan heerka ay marayaan iyo waxa xalka uu noqon karo, haddii loo sugayo oo la sii fiirinayo, haddii la badalayo, haddii daawada la sii wadayo oo dhib wayn aysan keenin.
Su'aalahaas oo idil waxaa ka jawaabi kara dhakhtarka gacanta ku haayo xaalada qofka xanuunsan, laakiin talo waxaan idin siin lahaa in aadan ku fakarina in daawada aad joojisaan illaa inuu dhakhtarka idin kula taliyo mooyee.

Ka baro halkaan dhibaatada qaaxada daawada u adkaysato "MDR TB": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5858.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5858.0.html)