Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdimahad on October 13, 2015, 03:27:23 AM

Title: Su'aal: Waxaan ahay dadka safarka ku xanuunsada?
Post by: Abdimahad on October 13, 2015, 03:27:23 AM
Asc dhamaan bahda pageka gaar ahaan maamulka isku xilqaamay ufaaiidaynta umadooda soomaaliyeed iyo inta afka somaliga ku hadasho

Sln kadib waxaan qabaa su,aal ah
 
 Ilaa yaraantaydii waxaan ahaa dadka safarka ku xanuunsada gaar ahaan gawaarida marwalba oon safar galo waxan noqdaa sakaraad saan umatagaayo marka waxaan isku arkay carjawda ama bogga in uu i damqanaayo xitaa cunta badan ma qaadan karo oo waa ku matagaa muda kadib cuntadii ayaan ka go,ay dhowr  dhakhtar aan u tagay waxba igama helin markii danbe dadkii ayaa iisheegay naag waxaan daweyso waan utagay waxay igu dhahday waxaa ku haayo LABXO oo carjawda ayaa gudaha unoqotay marka sidii toobintii ayaa sadex maalin lay toobay waxaana layga sarsaray bogga muda lixbilooda ayaan ku raystay hadane sidii ayaan noqday boggii waa idamqanaa waana laba la boonayaa cunta badan macuni karo gaarine maraaci karo waan wareeraa waana matagaa marka waxaan rabay inaad isharaxdaan ciladaa
                  Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan ahay dadka safarka ku xanuunsada?
Post by: SomaliDoc on October 16, 2015, 01:13:24 PM
(http://somalidoc.com/Topics/motion.png)

Xanuunka aad tilmaantay waxaa loo yaqaanaa "motion sickness" waxaa calaamadihiisu ay yihiin wareer, lalabo iyo matag markii la safrayo, waxaa kaloo loo yaqaan "travel sickness" oo ah macnaheeda xanuunka safarka ama "car sickness" jirada baabuurka.

Marka ugu horeyso oo uu qofka ku bilaabanayo waxuu dareemaa dhaxan dhidid wadato, wareer, calyo badan, lalabo kadibne matag.
Dadka qaar neefsashada ayaa dhibto, madax xanuun iyo tabardarri ayaa ugu daranto.

Badanaa si aayar ah ayuu qofka ula qabsadaa safarka, mar walbane marka ka sii dambaysa way yaraadaan astaamahaas, safarka markii uu dhamaadane maalmo ka dib qofka caadigiisa ayuu ku soo laabtaa.

Dad badan ayaa cilladaan qaba laakiin waa lagu kala daran yahay, waxayna aad ugu sii badan tahay haweenka xilliga caadada ku jira, ama uurka leh ama dadka qaba madax xanuunka goonjabka la dhaho.

Ka akhriso waxa madax xanuunka goonjabka uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,298.0.html)

Caruurta sidoo kale way dareemaan khaas ahaan da'da u dhaxayso 3 sano illaa 12 sano.

Cilladaan waxaad dareemi kartaa markaa raacdid gaari, diyaarad, markab ama tareen intaba, waxaad kaloo dareemi kartaa haddii aad daawatid baabuur tartamaysa ama wax si xawli ah u socda sida haddii aad ciyaarto "play station-ka" oo kale ciyaaraha xawaraha leh.

Waxay cilmibaarayaasha ku sheegeen sababta uu xanuunkaan u yimaado in sida caadiga ah maskaxda ay la socoto dhaqdhaqaaqa qofka ama waxa hareerihiisa ka dhaqdhaqaaqayo, haddii ay dhaqdhaqaaqaas is badalo markasta waa in maskaxda lala socodsiiyaa oo aragga ayaa u gudbiya kadib maskaxda waxay fariin u diraysaa qeybta qaabilsan kontoroolka dhaqdhqaaqa jirka iyo balance-ga, taasoo si joogto ah loola socodsiinayo xaalada meesha ay marayso iyo sida la rabo in qofka uu isu kontarooli oo miisaanka u lumin.

Waxaa dhacaysa dadka qaar in waribixintii si joogtada ah maskaxda u soo diraysay iyo warbixintii jirka loo soo celinayay ee ka imaanaysa qeybtii kontoroolka qaabilsanayd in ay is khilaafaan oo warbixintii qaar ka mid ah ay dhaxda ku lunto taasne waxay keenaysaa in qofka uu wareero oo miisaanka ka qaldamo.

Siyaabaha loola tacaali karo wareerkaan waa in aad raacdaa dhowr talo midkii kuu sahlan oo ah:

Haddii ay intaas wax tari wayso waxuu dhakhtarkaaga kuu qori doonaa daawooyin loo qaato xaaladahaan oo kale oo aad qaadanayso inta aadan safarka galin.

Waxyaabaha dabiiciga ah ee kaa caawin kara wareerka safarka waa in aa isticmaashaa geedka zanjabiilka, lalabada iyo wareerka aad ayuu u yareeyaa.

Haddii ay cilladaadu sii socoto markaa safarka ka soo laabato dhowr maalmood ka dib waxaa dhici karta in ay arrimo kale kugu soo kordheen ee la xiriir dhakhtar, waxaa dhici karta in uu gaas ku hayo, waxaa dhici karta in mataggii badnaa dhibaato kuu keenay, waxyaabo badan ayaa u ekaan kara ee la xiriir dhakhtarkaaga.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)