Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Lixle on October 16, 2015, 03:28:07 PM
-
Waqtiyada qaar waxa dhacada inaan ka dareemo culays halkay ku dhamaadaan Feedhaha Dhinac bidix, Culayskaas kor ayuu u soo kacaa wuxuu soo gaadhaa Xabadka mararka qaarkood. Badanaa waxaan dareemaa markaan jiifsado habeenkii. Fadlan iga jaahil saara.
-
Imisa sano ayaa jirtaa?
Dhiig kar, macaan ama Kolestarol ma qabtaa?
Miisaankaagu waa imisa?
Wax xanuuno aad isku ogtahay ama daawo aad ka qaadatid ma jiraan?
Ma dareentaa neeftuur iyo daal markaa howl qabatid?
Cagaha ma ku bararaan marmarka qaar?
Jaranjarooyinka si raaxo leh ma ku fuuli kartaa?
Cadaadiska aad ka dareemayso dhinaca bidix ee feeraha wuxuu noqon karaa cillad ka jirto xaga wadnaha, waxaa haboon faahfaahin dheeraad ah in aad naga siiso xaaladaada.
-
ASC salaan ka dib
Dhiikar iskuma ogi waxaan ahay 24 jir miisaankaygu markii iigu danbaysa lix bil laga joogo wuxu ahaa 67, wax xanuun ah oo aan isku ogay waxa jira Gastric oo badanka igu soo kaca kaas igu sameeya in dhuuntu i cuncunto. Badanaa culayskan waxaan arkaa markaan Fikiro, am aan walwalo, dhakhatar aan bari u tagay wuxuu igu yidhi waa Gastric, ee ma ah wadna xanuun. Badanka maaha wax joogta ah bishii hal mar ayaan isku arkaa, halkaa mar ee aan isku arko, jaranjarooyinka markaan korayo waan dareemaa culaysa, laakiin mudo ka dib caadi ayan noqodaa. Markaan jiifsado habeenkii ayaan aad u sii dareemaa. Cholestor iskuma ogi
-
Gaastirikada waxay keenta wadna garaac iyo cadaadis xabadka ah, wuxuu kaloo qofka dareemi karaa daal iyo tabar darri, dibiro iyo daaco ama dhuuso qofka markii ay ka timaado uu nafisayo.
Fadlan qoraalkaan akhriso ku saabsan gaaska iyo siyaabaha aad ula tacaali kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)