Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on October 16, 2015, 11:29:37 PM

Title: Su'aal: Maxaa keeno luga bararka umusha kadib?
Post by: Abdi21 on October 16, 2015, 11:29:37 PM
asc walaalayaal khayr alle ha idinka siiyo wanaaga walaanimo ee aad nala garab taagan tihiin suaasheeyda weey badan tahay xaaskayga ayaa dhashay 2 caruur ah luga barar ayaa ku yimid lkn hada oo 40 maalmood ka soo wareegtay ayaa lug aad u sii cuslaatay bararna aad ahna keentay ilaa eey kici weeyso maxaa xal ah tan kale waxa lagu dhahay minkada booskiisa kuma noqon oo caloosha dusheeda ayaa barar ka jiraa xanuuna weey ka dareentaa marka la taabto waxa kale oo jira naaska waxa uga soo baxay wax cad cad xanuuna wuu keenay ilmaha markeey dhalanayeen ayaa afka wuxuu ka ahaa cadaan ilaa hadana wuu ka ayahay daawo ayeey qaataan in uu cabeeb yahay ayaan umaleeynay daamanka iyo faruuryaha ayaa cad cad oo suuf lagu xoqaa daawana lagu shubaa tan kale caruurta habeenkii kama jiifano dhafar oohin badan lugo isku xoqid dhaqtarka loo geeyayna wuxuu ku sheegay ineey gas calool qabaan lkn anaga calool majiir ineey tahay ayaan umaleeynay dhuuso badan diliq dibiryo hurdo la aan
Title: Re: Su'aal: Maxaa keeno luga bararka umusha kadib?
Post by: SomaliDoc on October 19, 2015, 12:06:09 PM
Marka hore lugta bararan waxay u badan tahay inay tahay xinjiroobid xidid lugta ah ee xanuunkaas oo faahfaahsan ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1460.0.html)
Waa xanuun ku badan haweenka umusha ah waana in aad la xiriirtaa dhakthar aqoon u leh daaweynta xanuunkaan.

Midda ku saabsan minka oo booskiisa weli ku laaban, way dhacdaa in ay haweentu sidaa noqoto markii ay mataano dhasho, laakiin wuu iska laaban doonaa, bararkane wuu yaraan doonaa insha'llah.

Midda sadaxaad ee cabeebka waa suura gal in ilmaha ay ka qaadeen hooyada haddii ay horay u qabtay infekshan cabeeb, naasaha ibtooda iyo agagaarkoodane wuu ku dhici karaa, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan cabeebka afka iyo midka ibta naasaha intaba.
Cabeebka Afka (Umulow): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html)
Cabeenka Ibta naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html)

Midda afaraad waxay u badan tahay in calool majiiruu jiro caruurta ah, taasina daawooyin loo qaato ayaa jira ee halkaan ka akhriso iyadane qoraal ku saabsan calool majiirka ilmaha hada dhashay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5987.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5987.0.html)

Haddii aad su'aalo dheeraad ah ka qabtid qoraaladaas ama faahfaahin u baahan tahay waa is oo waydiin kartaa.
Ogow inta cabasho aad soo gudbisay waxaa in si degdeg wax looga qabto ah midda ku saabsan lugta bararan.

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)