Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Canabcumar on October 17, 2015, 08:17:51 PM

Title: Su'aal: Waxaa i xanuunaysa lugta midig ruuga ilaa qoobka?
Post by: Canabcumar on October 17, 2015, 08:17:51 PM
Asc su aashaydu waxay tahay waxaa i xanuunaysa lugta midig ruuga ilaa qoobka mudo bil ah waxayna iga xanuunaysa lafta hoose markaan taaganahay iyo markaan soconayaba way ixanuuni ama way idamqan waxaan u baahnaa in layga caawiyo waxa sababay wax jug ah aan sheegana igama gaarin,mahadsanidin.
Title: Re: Su'aal: Waxaa i xanuunaysa lugta midig ruuga ilaa qoobka?
Post by: SomaliDoc on October 19, 2015, 01:07:12 PM
Lugta lafta dheer ee ku daqnata ama ku xanuunta iyadoo wax jug ah kaa gaarin waxyaabo badan ayaa keeni kara oo halkaan lagu soo koobi karin sidaas awgeed waxaad u baahan tahay in waraysi iyo wiisiteyn iyo baaris la isugu kaa daro si loo ogaado, sidaas awgeed fadlan dhakhtar la xiriir.