Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jaamac123 on October 18, 2015, 06:51:21 AM

Title: Su'aal: Lugbaa layga hayaa wayna i barartaa?
Post by: Jaamac123 on October 18, 2015, 06:51:21 AM
asc DRS waxaan qabaa su aal waxaan dareemayaa xanuun muddo ihayey waxaan dareemayaa lugbaa layga hayaa waxaa ibararta lugta dhanka xagasha waxaa kasoo baxa barar weyn ii ixanuujinaya wagii hore intuu igasoo baxo ayaan iska bogsanjirey hadda waxaan dareaamay saa id iyo inuu ilaa lawga ama ruuga layga hayo hadii aad riixdo waa meel jilicsan oo xanuunay maxaan kula tacaali karaa ama talo ah oo aanku ogaankaraa xanuun kaas
Title: Re: Su'aal: Lugbaa layga hayaa wayna i barartaa?
Post by: SomaliDoc on October 19, 2015, 01:11:18 PM
Inta aad la tacaalin ka hor waa in la ogaadaa waxa barariyay.
Waxyaabo badan ayaa bararka keeni kara waxay noqon kartaa mid ka mid ah waxyaabahaan:
1- Cillad lafaha ah ama xanuun lafaha ku dhaco.
2- Infekshan ku dhaca murqaha lugta.
3- Xididada oo qulqulka dhiig wadin xijiroobis ama dhibaato kale darteed.
4- Dheecaanka qanjirka oo lugta ku xirma tanoo dhowr cilladood ay keento.

Fadlan la xiriir dhakhtar si loo ogaado marka hore waxa ay tahay.