Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kifayo on October 20, 2015, 07:16:36 AM
-
Asc dhaman dhaqatirta aniga xaga indhaha aya dhawan isbadal ka arkay madowga isha oo sii cagaranaya cun cun habenkii ah qoraxda anan u adkesan karin mararka qaar ilin iska imato qeybta kore isha mar mar iyara xanunta mana qabo xanunka cagarashowga wan iska baaray lk sanboor ayan qabaa dhaqtar indhaha ayan tagay waana ushegay intaan kor kusoo xusay wuxu igu dhahay alergic sanboorka aya waxaan kukenay dawoyin iqoray wan dhamestay muddo lix bilood laga joogo wax isadal ah ma arag in isbadalka midabka uu sii kordho mahane su'ash an wata waxay tahay madhici kartaa alrgic inay ii kentay mise wax siyada ah ayaa jira? Midabkii hore (cadaan)ficnaa rajo soo celis ah maledahay?
-
Allerjiga ama xasaasiyada indhaha ku dhacda waxay leedahay heerar, way dhacdaa in indhaha ay midabkoodu is badalo wayna u badan tahay sida aad sheegtay in ay alleji tahay maxaa yeelay cuncunka, indhaha oo biyo ka dareeraan, indhaha aad moodo in ay qashin kaaga jiraan iyo iftiinka oo ku dhibo mararka qaar intab waa astaamo allerji indhaha ah.
Heerka in midabka indhaha ay is badalaan way dhacdaa laakiin waa markii qofka ay ku daahdo, waxaan talo ku siin lahaa in aad la xiriirto dhakhtar indhaha ku taqasusay si loo eego oo loo fiiriyo waxa in ay xasaasiyad tahay iyo in uu infekshan jiro maadaama infekshanada indhaha ku dhaca qaarkood ay midab kale u yeelaan indhaha.