Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Faisa on October 21, 2015, 04:06:06 PM

Title: Su'aal: Waxaan dhalay ilmo mataano ah?
Post by: Faisa on October 21, 2015, 04:06:06 PM
Scm dhaqtarka waxaan waydiinayaa i sha alaah waxaan dhalay ilmo mataano ah kadib ayay waxay igu dhehen wadnahaga dhawac ayaa garay 3 bil ayaan daawa qatay kadib wurestay ayay i dhehen lakin ilma danbe ma dhali kartid ayay i dhehen oo waad dhimanesaa. Kadib laba mar ayaan uur qaday way iga so sareen hadane waxay i leyihin dawoyinka ilamaha celiya wadnahaga waxbay u dhibesaa minka ayaan xirenaa wax faranti ahayn oo sida qori camal ah ayaan kugu xirenaa ayay i dheheen marka wan ka baqay.  Waxaan jeclaan lahaa xanuunkaas wadnaha foosha ku yimado in la i faahfaahiyo. Iyo waxan qoriga camal ah ee minka lagu xiraayo. Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Waxaan dhalay ilmo mataano ah?
Post by: SomaliDoc on October 24, 2015, 04:52:06 PM
Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan siyaabaha uurka looga hortago oo ay ka mid tahay waxa qoriga camal ah ee loo yaqaano "IUCD": http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5840.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5840.0.html)

Midda ku saabsan wadnaha, wuxuu noqon karaa dhowr nuuc inkastoo xanuunka ugu caansan oo ay hooyadu haddii ay qabto uurka uu mamnuuc ka yahay waxaa loo yaqaanaa "coarctation of aorta" oo ah macnaheeda halbowlaha wayn ee wadnaha ka soo baxo oo dhiig soo gaarsiiyo qeybta hoose inuu dhiiga ceshan karin oo uu wadnaha dib ugu shubayo, haddii ay hooyada uur qaado oo ilmuhu cadaadis saaraan halbowlahaas waxaa ku dhici kara in wadnaha uu bararo, kadibne uu howlgabo, kadibna uu oksajiinta hooyada ku xiranto saasne ay halis nolosheeda ku gasho.
Laakiin waxaa lagu sameeyaa hooyada qalliin si ay u sii dhali karto haddii cilladu ay taas tahay.
Haddii ay cilladu tahay mid u gaar ah murqaha wadnaha kaliya oo uusan wadnaha shaqadiisu aad u hooseyso, taasi qalliin laguma sixi karo illaa in wadnaha la badalo mooyee, mana ahan arrin sahlan.

Waxaan talo ahaan ku siin lahaa in aad dhakhtarkaaga ku laabatid oo uu kuu sharxo xanuunka nooca uu yahay, iyo xal haddii loo heli karo iyo haddii aan la qali karin sababtu waxa ay tahay, midda kale waa muhiim in aad noo sheegtid daawooyinka aad qaadanaysay foosha ka dib oo aad tiri wadnahaa lagu bogsiinayay in aan ogaado waxa ay tahay?!

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Title: Re: Su'aal: Waxaan dhalay ilmo mataano ah?
Post by: Faisa on October 28, 2015, 05:41:55 PM
Scm. Jazakah laah qayr. Sida quruxda badan aad iigu faahfaahisay.daawada aan qaatay magaceda maxasuusto laba sano iyo bar ka hor ayay eheed. Lakin xanuunkaan dhaqtarka waxuu igu dhahay dilaac ayaa wadnaha galay la eg inta cidida la egtahay. Markaan daawada qaatay waxuu igu dhahay. Waa kaa bogsaday wax walbana waad sameen kartaa. Ilaa uur mahane hadaad uur yelato dilaacii wuu soo noqonaa kadibna waad u dhimanesaa ilaah ayaa wax dila.  Kadib ilaa hada iima ogola inaan uur qaado laba maraan yeshay way iga soo rideen.  Ana aad ayaan uga walwala arintaas oo ah inaan ilmo kale dhalin ilaah baxsha owlada lakin lakin ayaga way didan yihiin. Aad ayaad umahadsantahay dhaqtar waxan jeclaan lahaa inaad dilaacaas wax iga fahansiiso inaan ku dhali karo iyo inkale. Aaad ayaad umahadsantahay
Title: Re: Su'aal: Waxaan dhalay ilmo mataano ah?
Post by: SomaliDoc on November 04, 2015, 11:51:36 AM
Dillaaca wadnaha galo waa noocyo baan yahay, dillaaca mgaciisa markaa soo ogaatid faahfaahin dheeraad ah waan kaa siin doonaa insha'llah.
Title: Re: Su'aal: Waxaan dhalay ilmo mataano ah?
Post by: Faisa on January 20, 2016, 12:37:36 AM
Scm dhaqtar waan ku salamay salaan kadib.waxaan ahay gabadhii matanaha dhashay oo dilaaca wadnaha ka galay. Dhaqtarkii wadnaha waan lakulmi kari wayay lakin isbitaalka ayaa isiiyay magacii nabarka daawadiina isbitaalka waxuu igu yiri computarka kuuguma jirto inaad daawo qaadatay. Marka dhaqtar adoo mahadsan wakanaa magacii xanuunka (Cardiomyopathie) Wcm salaaam
Title: Re: Su'aal: Waxaan dhalay ilmo mataano ah?
Post by: SomaliDoc on January 23, 2016, 03:34:17 PM
Cardiomayopathie waxaa la dhahaa xanuunada ku dhaca murqaha wadnaha, noocyo ayuu usii kala baxaa, warbixinta way kala dhiman tahay.