Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamed.gureey on November 11, 2015, 06:05:25 AM
-
Asc salan kadib waxan raba in aad iga jaahil bixi saan wa maxey cirbada garbaha laga qaato ee la yiraahdo Testenon. Dhalin yar badan aan gym Isla ciyaareyno ayaa isticmaalo hore aye isku badaleeyn.
Powder protein ma isticmaali kara madama aan cirbad jecleysan.
xulbada power ahaan ma u isticmaali kara iyada natural ah oo laga hela protein Cal etc .
Nin iska diyaarsan aan arkay waxan weydiiyay gym ma ciyaarta. wuxu igu jwbay.
Xamaali ahay xulbo cabaa!
-
Cirbadaas waxay ak samaysan tahay hormoon loo yaqaano "testosterone", waxaa badanaa isticmaalo dadka jimicsado ama rabo in ay murqaha dhistaan, inkastoo ay jirka ku badinayso hormoonkaas, waxay kaloo leedahay dhowr waxyeello oo caafimaad ahaan in laga fogaado ayaa haboon.
Haddii aad rabtid in aad murqo yeelatid qaadatid talada saaxiibkaa ee xamaaliga ah ee daawada iska daa, waxay khalkhal galinaysaa howsha dabiiciga ee jirka eebe ugu talagalay.
Waxyeelada laga dhaxlo waxaa ka mid ah in Naasaha ay bararaan, xiniinyahane ay yaraadaan, shahwada iyo dareenka raguna ay hoos u dhigto.
Akhriso cashar ku saabsan waxyaabaha naasaha ragga wayneysiiyo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5855.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5855.0.html)
-
Doc: Hadi aan rabo in aan talda xaamaliga qaato aan daawo kale isticmaalin wa side ciladaha soo sheegtay oo bararka keena ma dhici karo. adoo raali ah si fcn ii fahansii.
Aniga ma isticmalo testenon.
-
Dhibaatooyinka aan soo sheegay waa wax la xiriira cirbadda kor ku xusan, haddii aad joojisid oo jimicsigaaga dabiiciga ah aad samaysid wax dhib ah lama kulmi doontid insha'llah.