Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dhicisbaasto1 on December 04, 2015, 05:11:50 PM

Title: Su'aal: Waxaan leeyahay dandruff ama toxob mudo ah?
Post by: Dhicisbaasto1 on December 04, 2015, 05:11:50 PM
asalam alikum
 
waxan qaba su'aal jawabteedana wa idinka rajaynayaa inshallah
waxan leeyahay dandruff ama toxob mudo dhan 6 sano wax yaabo badan ayaan sameeyey o ay kamidtahay in aan isticmaaley shampooyinka luugu talo galay dandruffka ama saladido kala duwan lkn waxba matarin shampoyinka ayaaba igu siibadiya markaan ku qubaysto dandruffka cun cun badan maleh in madax wasakh leeyahay mooye lkn marku madaxa nadiif yahay cun cun maleh lkn toxobta kasoodaadanaysa xitaa waan xiirey madaxa oo dhan 5 bilood ka hor si uu iga haro balse waliwasidii, dhowrkaan bilood o dambe waxan isku arkay hadna in timha ay iga daadanayaa si zaaid ah markan qubaysanayo okle iyo markaan shaleeenayo toxobtiina wa u wehelisa wali o waxba iskama badalin timaha markey daataan way sobaxayaan balse sidii hore uma sobaxayaan way siiyaraanayaa marba marka ka sidambaysa o madaxa waxa kamuuqda banbanaan yar yar okle markaad fooda kore e madaxa aad fiirisid sidii qof bidaar kusoosocoto okle  geesaha iyo jeegada wa caadi aad uguma daadaan timaha waa inta kore un waxaan ahay wil 21 jir ah  maxaaad igula talin lahaydee ama ila gudboon wa mahdsantihin
Title: Re: Su'aal: Waxaan leeyahay dandruff ama toxob mudo ah?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2015, 01:37:09 PM
Waxaa jiro xanuuno lagu qaldo dandruff-ka oo keeni kara in timuhu ay daataan waxaana ka mid ah: xanuunka loo yaqaano "psoriasis" waxaa ka loo ka mid ah xanuunka caabuqa fangaska uu keeno ee ku dhaca unugyada maqaarka, waxaa kaloo ka mid ah jeermiska bakteeriyada ee ku dhaca jiridka tinta.
Halkaan ak akhriso waxa dadndruff-ka uu yahay iyo waxa keeno?:http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2090.0.html

Intaa ka dib, haddii aadan aamisanayn in ay toxob ama agool aysan ahayn, fadlan la xiriir dhakhtar maqaarka ah.