Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on December 17, 2015, 05:51:31 AM
-
Asc xaaskada ayaa kacabata dikaan hoosta garabka ah 10 ilaa 20 kii daqiiqo marbeey dareentaa muruq Miyaa mise Waa wax kale gastaric an weey qabtaa
-
Way fiicnaan lahayd in aad safiican noogu tilmaanto meesha ay ka cabanayso oo sax ah, waa ka intee garabka hoostiisa?
Midda kale dikaanku goorma ayuu ku bilawday? Ma leedahay astaamo kale sida qufac, neefsashada oo dhibayso? Qandho? Wadna garaac siyaado ah? dubaaxin dabarka ah? Jug hadda ka hor gaartay? Barar ama kuus ka muuqdo meesha ay ka cabanayso?
wax xanuuno ah ay qabto ama wax daawo ah ay qaadato haddii ay jiraan? Ma ilmo ayay nuujisaa?
Fadlan faahfaahin dheeraad ah soo raacsii su'aashaada.
-
Maya ma jiraan wax xanuun kale ah sida qunfac kabuubyo qandho neefta oo dhibta intaba ma jiraan hadana alx waa ka roontahay meeshana waa garabka meesha uu ku dhamaado halka somalida dhahaan muruq ayaa iga galay wadno garaac ama wadno jiitan mar mar weey dareentaa lkn wax kale malahan
-
Intaasba haddii aysan jirin waxay u badan tahay in ay muruq tahay laakiin dhakhtar inuu arko kama maarmayso ee fadlan dhakhtar la xiriir.