Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuuryare3 on December 30, 2015, 02:22:43 PM

Title: Su'aal: Xanuun neefsashada ah?
Post by: Nuuryare3 on December 30, 2015, 02:22:43 PM
magacaygu waa saalax,waxaan rabaa inla iiga jawaabo suaashaan ah,waxaan dareemayaa mudo sanad iyo bar ah ,neefta i dhibayso habeenkii marka aan seexan tago,markaan sariirta tago een hurud is dhaho ayey i dhibtaa,xanuun feeraha ahna ma dareemo,4 hospitaal oo waaweyn aan tagay waxaana mid kasta i dhahay feerahaada iyo sanbahaada waa nadiif waxna ma qabtid ,isku hadal ayey wada dhaheen, marka maxaan samayn karaa?, xanuunkaya markaan jiifan tago bis ayaan dareemaa mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Xanuun neefsashada ah?
Post by: SomaliDoc on February 17, 2016, 03:21:16 PM
Qasab ma ahan in cilladu ay sambabada tahay ee fadlan la xiriir dhakhtar wadnaha ah, dhaqaska oo kugu dhaga markaa jiifsatid waxay tilmaan u noqotaa wadna xanuunka.