Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdale on January 05, 2016, 12:49:58 PM

Title: Su'aal: Aniga iyo yar oo saaxibkey ah oo faraka ciyaareyno?
Post by: Cabdale on January 05, 2016, 12:49:58 PM
Asc waan idin salaamey somalidoc salan kadib aad ayaad ugu mahadsantihiin sida aad bulshada somalida uga haqabtirtaan baahida caafimaad oo aqon kororsi iyo su.aalo laga jawaabo leh thanks

Hadan usoo gudbo su.aasheyda waa.
 
Mar hada laga joogo taqriiban 16 sano ayaa aniga iyo yar oo saaxibkey ah oo faraka ciyaareyno waa feer la isku soo rido iyo iska difaacid markaa feer aan ku ridey yarkii ayuu u gambiyey kadib xoogii aan u ridey ayaa gacanteyda midig dhib kaas oo ah in uu hilibka garabka ee ka koreeya muruqa uu u wareegu dhanka gadaale kadib xanuun oo aan u maleyey jab ayaan isla markiiba u tagey nin dadka kaba kadib wuxuu ii sheegey in aanan jabneyn kadib hilibkii waregeyna uu iskiis dib iskaga soo laabtey  dhowr bil kadib uu marlabaad I wareegey ayaan u tagey hadane doctor dhaqamed dadka kaba si aan warbixin uga helo kadib waxuu igu yiri waxba lagama qaban karo waxey fiicneyd in aad keentid isla markii dhibku ku gaarey hada marka wax xanuun ah iguma heyso gacantii lkn markaan damco in aan is jicmiyo oo labadeyda gacmood oo isku dhagan aan madaxa kor kasoo mariyo ama shaati iyo funaanad aan gashan maago waa in aan gacanta midig ku hormariyaa lkn hadii aan gacanta bidix ku hormariyo kadib midigta  muruqii ama hilibkii si dhaqso ah ayuu gadaal ku marayaa anigoo dareemo xanuun saa.id ah oo garabkii mudo ila xanuuno  inkastoo midigto suno tahey
 Marka waxan idinka codsanayaa in aad iisheegtan wixii xal ah oo daawo ama talo ah
F.g. iga raali noqda waxaa laga yaabaa in aan su.aasha dhereyey  anigoo ula jeedey si loo fahmo mahadsantihiin

Title: Re: Su'aal: Aniga iyo yar oo saaxibkey ah oo faraka ciyaareyno?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2016, 03:45:29 PM
Tani waa muruq go'
Waxayna timaadaa markii seedka muruqa lafta ku hayo uu dhaawac gaaro, waxaad u baahan tahay in lagu saaro scan (CT ama MRI) kadib la ogaado seedka dabcay ama go'ay.
Xalkuna waa qalliin kaliya.