Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashwaaq on January 09, 2016, 12:36:33 PM

Title: Su'aal: Ma jirtaa shambo ama cream lagu carfiyo?
Post by: Ashwaaq on January 09, 2016, 12:36:33 PM
ASC/Salan kadib DR/majirtaa  shambo ama cream lo isticmalo vaginaha si uu u helo cafar unadiifiyo  jermisna kaga ilaaliyo mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Ma jirtaa shambo ama cream lagu carfiyo?
Post by: SomaliDoc on January 09, 2016, 03:20:19 PM
Haddii ay jirto baahi aad is leedahay waxaad u baahan tahay daawo lagu carfiyo ama lagu nadiifiyo cawrada waa in aad dhakhtar la xiriirtaa maxaa yeelay waxyaabaha ugu badan ee keena urka, dheecaanka ama cuncunka waxay u badan yihiin caabuq.
Caabuqaas oo noqon karo mid uu keenay jeermis fangas, fayras ama bakteeriyo, in la carfiyo amal a nadiifiyo xal ma ahan ee waa in lagaa daaweeyaa xanuunka jiro.
Waxaa la sameeyaa baaris dheecaan ama unug iyadoo laga qaado qeybta hoose si loo ogaado waxa jiro.

Haddii aysan cilladi jirin oo taxadar iyo ak hortag ka wadid, uma baahnid in aad isticmaashid wax cream ah, maxaa yeelay eebe ayaa ku abuuray qanjirro soo daayo dheecaano dila jeermiska oo nadiifiyo, haddii aad marsatid daawo ama kareem aadan u baahnayn waxay keeni kartaa in isbadal aan dabiici ahayn in ay ku samayso saxaaxa taasina ay dhib caafimaad kuu keento.