Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Madiino muxudiin on January 09, 2016, 06:40:17 PM
-
Waan idin salaamay Dr
Waxaan rabay inaan idin weydiiyo
Maxaa keeno kil kil cun cunka/toqfasha
Markeey hooyada nuujineyso naaska uu godlado
Isla markiiba cun cunka kil kisha oo eey gaareyso gooreey cunuga naaska ka dhaafto oo eey ayada ku mash quusho cun cunka kil kisha
Ma wax iska caadi ahaa mase?
Waad mahadsan tihiin
-
Cuncunka kilkisha waa arrin ay ka sheegtaan hooyooyinka ilmaha nuujiyo qaarkood, markii ilmaha la nuujinayo naasaha way godladaan, qaanjirrada u qaabilsan caano soo daynta illaa wxay ku tixan yihiin naaska dhinaciisa illaa kilkisha, waxaa kaloo isla kilkisha ku yaallo qanjirrada soo daayo dhididka.
Hooyooyinka qaar ayaa kilkilaha ka dhidido markii ay ilmaha nuujinayaan, cuncunka wuxuu ka yimaadaa dulduleelada qanjirrada dhididka oo xirmo oo uu dhididka soo bixi waayo, tan ayaa waxaa loo dareemaa cuncun aad u badan oo hooyadu isku mashquulayso, kullamaa nuujinta ay sii wado, cuncunka wuu sii bataa.
Waxyaabaha badanaa xir duleelada dhididka waxaa ugu badan caabuq dhididka la socdo oo la yiraahdo "yeast infection", waxaad samayn kartaa in aad isku qasto biyo caadi ah iyo "vinegar" ama "khal" sida dadka qaar u yaqaanaan, kadib suuf aad ku soo qaado oo kilkilaha ku tirtid si duleelahaas u furmaan.
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.