Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Janaale on January 13, 2016, 11:58:25 PM
-
Asc. dhaman bahda SomaliDoc.
suaasheydu wxa weeye marka aan saxaroonayo siiba marka caloshu I taaagantahay ooo saxaradu adagtahay ooo jiirto ama docdo, wxaa xubinka taranka iga yimaada biyo cad oo aan u maleyey shahwadeydii. mxay tahay??? jazaakumulah.
-
Biyo cad oo shahwada u eg oo yimaada markii la saxaroonaya sida caadiga ah waxay ku timaadaa markii jiirashada saxarada ay daliigto ama cadaadiso qanjirka prostate-ka kadibne uu soo daayo biyahaas.
Kullamaa saxarada adag tahay ayaa la arkaa biyahaan waana arrin dabiici ah oo wax laga walwalo ma ahan.
Haddii aad leedahay astaamo kale sida dheecaan guska ka socdo, qanjirrada saracda oo ku bararsan, kaadida oo ku dhibto, qaska oo ku xanuuno iyo wax la mid ah, fadlan la xiriir dhakhtar.