Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on January 19, 2016, 08:59:51 PM

Title: Joog-joogisga ama Isku Istaagidda Dhabarka..!
Post by: Ashom on January 19, 2016, 08:59:51 PM
Waa mahasantihiin somalidoc.com
Waxaan rabaa in aan wax Ka ogaado joog joogisga ama isku istaagida dhabar Ka
Waxaa jeclahay in leeygu is istaago markii legu istaago aad ayaa u juc juc daa .
Waxtar kiisa iyo faa'iido nuucee ah ayoo Lee yahay mase haboontahay in leeys ku joog joogsado ama leeysu juciyo lafaha dhamaan xitaa dhabar ka?
Thank you!
Title: Re: Su'aal: Joog-joogisga ama isku istaagida dhabarka?
Post by: SomaliDoc on January 23, 2016, 04:03:10 PM
(http://somalidoc.com/Topics/joogjoogsi.png)

Joogjoodsiga ma jucjuciska lafaha khaas ahaan kuwa dhabarka iyo qoorta waa caado ay sameeyaan dad badani, inkastoo sababta juciska ama istaaga loo sameeyo ay isku mid tahay, laakiin waxaa keeno cillado kala duwan.

Fikrada ka dambayso juciska ama istaaga, waa in lafaha dhabarka ama qoorta oo is cariiriyay oo isa saaray cadaadis, ku istaagga iyo jucjuciskane way kala dajinaysaa oo waxay khafiifinaysaa togtognaantii iyo cadaadiskii iyo xanuunkii laga dareemayay dhabarka, markuu qofka maqlo shanqarta lafaha markuu lagu istaago ama la riixriixo wuxuu dareemaa raaxo iyo inuu celys ka fududaaday.

Waana arrin jirta oo ay dhakhaatiirtu ogolyihiin in la sameeyo laakiin waxaa ku xiran dhowr shardi oo kala ah:

Jimicsiga ma daliigista ama riixriixa waxay waxtarkiisu ku fiican tahay dadka qaba xanuunkada murqaha garbaha iyo lafdhbarta isku haya, haddii ay adkaadaan ama dabcaan waxaa imaan karo in lafuhu isu dhawaadaan ama booskoodii ka soo durqaan taasoo qofka dhibayso, cadaadisne ka saarayso dhabarka, xalkuna waa in qofka daliigistaan ama jimicsigaas dhabarka loo sameeyo.

Waxaa jiro dhakhaatiir ku taqasustay riixriixaas ama jucjuciskaas kuwaas oo kala duwan, sida kuwa jimicsiga sameeyo "physiotherapists" kuwa ku takhasusay cilladaha ku dhaca lafdhbarta "chiropractor" iyo dhakhaatiirta lafaha ku taqassustay "Orthopedic doctors".

Cilladaha ugu badan ee dadka u dareemaan in ay u baahan yihiin isu istaagga iyo jucjuciska waxay ka dhalataa qofkoo si qaldan u fadhiyo muddo dheer ama dhabarkiisa saaray culeys taasoo keenaysa in dhabarku uu galo qallooc u baahan sixitaan lagu saxayo juciska.
Waxaa kaloo keeni karo stress-ka iyo welwelka iyo shaqada badan oo qofka nasashada ay ku yar tahay, sidaas daraadeed markii muddo la joogaba in qofka uu daliigis sameeyo way ku fiican tahay.
Waxaa kaloo dareemo arintaan dadka jimicsiga ku yaryahay ama shaqadooda aysan wax dhaqdhaqaaq u badnayn.
Waxaa kaloo dareemo arrintaan dadka qabo xanuunada murqaha, xanuuanda lafaha sida riixa / tufta.
Akhriso waxa Riixa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html)

Talo:

Maadaama sababta ugu badan ee la iskugu istaago ay la xiriirto dhabar xanuunka, fadlan akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,570.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)