Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Iraado Macalin on January 21, 2016, 12:12:14 PM

Title: Su'aal: Jilbo Xanuunka?
Post by: Iraado Macalin on January 21, 2016, 12:12:14 PM
asc docs,waa ku mahdsantihiin sida wanaagsan ee aad iigu sharxdeen xanuunada ku dhaca kalagoysyada lkn waxaan rabaa faahfaahi dheeraad ah. Jilibaha ayaa i sharqamay mudo 1 sano ah hadan waxey bilaabeen hur /Olal ma bararsana lkn hadaan jilibka korkiisa gacanta saaro oo jilibka fidiyo ama laabo,waxaan dareemayaa in wax is xoqayaan ama xash xash ku jiro hadaba waxaan kunoolahay meel kulul ama(BOSAASO Somalia) mana ka xagaa bixin 15 sano waan meel aad ugu yaryihiin qudaarta cagaaran, waxaana laygu sheegay cudurka CHOLESTEROLKA ( LDL 155,HDL 40) hada

docs: Da'daydu waa 47
culayskeguna waa 77kg
maalintii ugu yaraan waxaan fadhiyaa 8 saacadood ama waxaan saladaha ahayn uma kaco goobta aan ka shaqeeyo darteed
 maxaa igula talin lahaydeen ama jimicsi noocee ah, Raashin noocee ah baa ii fican
Title: Re: Su'aal: Jilbo Xanuunka?
Post by: SomaliDoc on January 25, 2016, 04:17:05 PM
Xanuun aad ka dareento kalagoyska jilibka ma ahan wax murqaha la xiriiro haddii aad leedahay shanqar, xanuun daqnasho leh markaa dhaqaaqdo ama kalagoyska aad dhaqdhaqaajiso, waxaana keeni karo xanuun kalagoyska ku dhaca noocuu rabo ha noqdo, ama cillad lafaha, seedaha ama ruugagga ah.

Xanuun roomaatiisam ama riix ah ama cillad dhareerka kala goyska ku jiro.

Lafo beel ama maadada kalsiyamta ama fitamiin d-ga oo ku gu yar.

Sidaa darteed waxaad u baahan tahay in lagugu sameeyo baaritaano lagu kala hubsanaayo xanuunadaas.

Halkaan ka akhriso qoraallo ku saabsan jilba xanuunka iyo kla goysyada, si aad fikrad uga qaadato.
1- RIIXA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2190.0.html)
2- XUBNO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,403.0.html)
3- JILBO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3654.0.html)
4- FIBROMYALIGA: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2543.0.html)
5- DHABAR-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,588.0.html)
6- LAFOBEEL: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2132.0.html)
7- MURQO-XANUUN: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1436.0.html)

Fadlan la xiriir dhakhtar guud si loo ogaado cillada waxa ay tahay.