Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Agg1996 on January 28, 2016, 11:35:56 AM

Title: Su'aal: Maxaa sababa Riixda ama Aaryadda joogtadda ah Flatulence (Farting)?
Post by: Agg1996 on January 28, 2016, 11:35:56 AM
Marka hore waxaan ku salaamayaa walaalaha Muslimiinta ah ee mareegteen inoo suubiyay Salaanta Islaamka. Waxaanna sidoo kale Eebe uga baryayaa in uu ka Abaal mariyo dadaalkoodda aan kala go'a laheyn ee ay u hayaan bulshadeenna Soomaaliyeed.  Walaalayaal waxaan rabaa in leygaga Jawaabo weydiintaan soo socota waxa dhaliya ama keenna.  Qof aan Ehel nahay ayaa xili kasta dareema (Riix Soconeysa oo aan dhameed laheyn) ama Afka qalaad lagu yiraah Flatulence (Farting):  qofkaa caloosha ayaa xanuunta oo wuxuu ka dhax maqlaa goor kasta guux ka dhaxqeylinaya. dhibaatadda uGu weyn ee heysata ayaa ah in uu ka go'ay ku tukashaddii Salaadda Jamiico ahaan sababtoo ah haddii uu weysa qaato riixda waa ay ka imaaneysaa xitaa haddii uu weyseysto 9 jeer riixda waa ay taagantahay . wuxuu is ticmaalay dhowr mar kaniiniyadda kala ah metronidazole, alzental iyo tuun ilaa iyo hadda wax is baddal ma muuqdo. hadabba su'aasha waxey tahay maxaa dhaliya Arintaan, sidoo loo wajahi karaa ama loo daaweyn karaa, waxaa intaa sii dheer Riixda in ay leedahay Ur saa'id ah ?

waa muhiim in weydiimahaas jawaabo laa helo.  waxaan idin kaga tagay bash-bash iyo Barwaaqo
Title: Re: Su'aal: Maxaa sababa Riixda ama Aaryadda joogtadda ah Flatulence (Farting)?
Post by: SomaliDoc on February 02, 2016, 04:01:08 PM
Ka akhriso jawaabta su'aashaada halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2002.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2002.0.html)