Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdiqorane on January 31, 2016, 04:31:16 PM
-
Asc walaal qadashada dawada kolestarolka ma abadba misa haduu total kolestarolka yahay 200.
HDL 49.1
LDL 90
LDL/HDL ratio : 3'53
ma lasi wada dawada mise wa lajoogin. jimicsga la wado iyo dufanka la iska dhooro.
-
Maya abad ma ahan illaa in dhibaato kolastaroolka uu kuu geestay in lagaa daaweeyay oo laga cabsi qabo in uu kugu soo laabto mooyee.
Dhibaatooyinkaas oo noqon karo xaga wadnaha iyo xaga maskaxda, haddii wadnaha xidadiisa ay ku xirmeen hadda ka hor oo lagaaga furay qalliin ama xididada maskaxda ay xirmeen, labadaa cilladoodne loo saariyay kolestaroolka, markaas waad joogteynaysaa.
Laakiin hadduu dhibkaas dhan uusan jirin, waxay ku xiran tahay caafimaadkaaga, iyo kolestaroolkaaga meesha uu marayo.